32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Shirweyne muhiim ah oo maanta ka furmay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA).

Shirweynahan oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa horumarinta iyo casriyeynta adeegga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa tilmaamay in isku xirka aqoonsiga qaranka iyo helitaanka adeegyada aas-aasiga ah in uu yahay tiir muhiim u ah dowladnimada casriga ah, saldhigna u yahay qorshaha isbeddelka qaranka iyo iigsiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda 2060-ka, ee dalka u horseedaya Soomaaliya xasilloon, amni ah, isla markaana gaarta barwaaqo waarta.

“Waxaan ku faanaynaa in dadkeennu, oo badankoodu dhallinyaro yihiin, ay maanta fahmeen muhiimadda nidaamka dowlad-dhiska, oo uu qeyb muhiim ah ka yahay aqoonsiga qaranka. Waxaan ku bogaadinayaa dhammaan dadka ka qayb qaadanaya dadaallada horumarinta nidaamkaan casriga ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada bulshada ay waajib ku tahay in qofka ay u adeegayaan uu haysto Kaarka aqoonsiga qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta xogta.

Xamza ayaa ku ammaanay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, fahamka nidaamka casriga ah, taas oo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan dowad-dhisidda iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyey howl-wadeennada iyo maamulka hey’adda NIRA shaqada culus ee ay ku qabteen muddada kooban.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali, isna madasha ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay kaarka aqoonsiga ka sokow lasoo kordhin doono nidaamka diiwaan-gelinta madaniga ah.

Wuxuu si gaar ah carabka ugu dhuftay diiwaan-gelinta marxaladaha muhiimka u ah nolosha muwaadinka sida dhalashada, dhimashada, guurka iyo furriinka.

- Advertisement -

Read more

Local News