Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay wada shaqeyn kala dhaxeyso kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan daacad ka ahayn dagaalka kooxda, xilli ay haysato ciidankii ugu badnaa.
“Dowladda Federaalka iyo Al-Shabaab waa wada shaqeystaan, haddii aysan wada shaqeyn maxaa loo soo afjari waayay kooxda” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir.
Waxa uu intaas kusii daray “Askarta Soomaalida u diiwaan-gashan dowladda iyo kuwa ajnabiga marka la isku daro waa boqol kun iyo dheeraad. Labada iridood ee Xamar-na Al-Shabaab baa fadhiya bal cilmigaas is-qabadsii.”
Wasiirka ayaa sheegay in ciidan intaas leeg aysan macquul ahayn inay soo afjari kari waayan koox aan dhameyn 15 kun, balse ay jirto wada shaqeyn hoose oo ka dhaxeysa labada dhinac, sida uu sheegay.
Wasiirka Caydiid ayaa ku dooday in xiriirka hoose ee uu sheegay inuu ka dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo Al-Shabaab uu yahay sababta ugu weyn ee aan weli loo gaarin guulo muuqda oo dhanka amniga ah.
Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa waxaa weli ka dhexeeya xiisad culus oo siyaasadeed, taas oo saameyn ku yeelatay wada-shaqeyntii labada dhinac, kadib markii Madaxweyne Saciid Deni uu ka baxay Golaha Wada-tashiga Qaranka.
Deni ayaa weli go’aankiisa ku adkeysanaya, wuxuuna mar kale u sharraxan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya, halka Xasan Sheekh uu iska sii wato howlihiisa, gaar ahaan qorshaha uu ku doonayo inuu dalka ku gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, oo ay diidan yihiin madaxda maamulada Jubaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

