Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta ciidamada Puntland iyo kuwa Mareykanka ay howlgal culus oo cir iyo dhul ah ay ka fuliyeen qaybo kamid ah buuraha Calmiskaad oo uu haatan ka socdo howlgal culus.
Howlgalka oo bartilmaameed ahaa ayaa si gaar ah uga dhacay aagga Toga Baaladde, waxaana lagu beegsaday xubno ka tirsan Daacish oo ku dhuumaaleysanayay halkaasi.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, howlgalka oo qaatay saacado badan ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyada oo ciidamada Mareykanka oo watay diyaarado dagaal ay ku dageen deegaannada howlgalka laga sameeyay, kadibna ay la fal-galeen ciidanka Puntland.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in howlgalkan culus lagu laayay xubno badan oo ka tirsan kooxda Daacish, iyada oo sidoo kale tiro kale nolosha lagu qabtay.
Qoraal kooban oo kasoo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday hoggaamiyeyaal sar sare oo ka tirsanaa Daacish, isla markaana ay dib ka faah-faahin doonaan khasaaraha rasmiga ah ee gaaray kooxda argagixisad ah.
“Calmiskaad, Hawlgal Cir iyo Dhul ah, oo ay fuliyeen saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka ee taageeraya Hawlgalka, ayaa lagu beegsaday bartilmaameedyo sarsarre oo ka tirsan Argagixisada Daacish” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Maalin kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale Puntland iyo Mareykanka ay duqeymo uga fuliyen Togga Baallade, halkaas oo lagu naafeeyay Khawaarijta.
Sida ay Puntland sheegtay waxaa weerarkaas lagu dilay illaa 5 xubnood oo kamid ahaa kooxda Daacish ee ku sugnaa aagga la duqeeyay, waxayna u mahadcelisay Mareykanka.
Si kastaba, Duqemahan waxaa barbar socda dagaallo toos ah oo ay ciidanka Puntland ku qaadayaan fariisimaha Daacish ee ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

