Gaalkacyo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa galabta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug aas loogu sameyay marxuumad Sabiriin Saylaan Cabdille oo 14 sano jir ahayd, taas oo si arxan darro ah loogu dilay gudaha magaaladaasi.
Maydka marxuumadda oo indhawaanahan yaallay Isbitaalka guud ee Gaalkacyo ayaa maanta la aasay, kadib markii shalay dil lagu xukumay haweeneydii lagu heley dilkeeda.
Aaska waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin, ehellada marxuumadda iyo boqolaal shacab ah oo garab istaag u muujiyay qoyska marxuumadda, si ay cadaalad u hesho.
Kiiskan oo xasaasiyad wayn abuuray ayaa ugu dambeyn dil kusoo idlaaday maadaama la qisaasayo marxuumada Hodan Maxamuud oo lagu helay inay ka dambeysay falkaasi.
Maxkamadda Darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa shalay toogasho ku xukuntay Hodan Maxamuud Diiriye ina Xaawo Xasan 34 sano jir ah, kadibna maxkamadda la horkeenay caddeymo waa wayn oo ay ku jiiraan muuqaallo muujinayo sida arxan darrada ah ee loo dilay gabadha yar, taas oo gilgishay quluubta dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale aabaha qoyska oo lagu magacaabo Cabdicasiis Nuur Xaashi Calas ina Ardo Maxamed Cali 65 sano jir ah ayay maxkamaddu sheegtay inay ku waysay inuu dilka wax ka galay, balse waxaa lagu helay dacaayad masuuliyadeed waxaana lagu xukumay 1 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 500 oo dollar.
Xukunkan ayaa si weyn loo sugayay, waxaana soo dhaweeyay ehellada marxuumadda oo cadaaladda dhowrayay, waxaana maydka gabadhooda uu weli yaal isbitaaka Gaalkacyo.
Waxaa sidoo kale, si weyn dhacdadan isha ugu haysay warbaahinta oo si dhow usoo tabineysay tan iyo markii la dilay Saabiiriin oo ahayd gabar yar oo 14 sano jir ahayd.


