25.9 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Soomaaliya oo markii ugu horreysay safiir u magacowday dalka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Tashkent (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay Safiir u magacowday dalka Uzbekistan, kaasi oo maanta si rasmi ah looga guddoomay waraaqaha aqoonsiga.

Danjire Fatxudin Cali Maxamed Ospite oo noqday safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u matala dalkaas ayaa waxaa maanta qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Uzbekistan, Bakhtiyor Saidov.

Munaasabadda oo ka qabsoontay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Tashkent ayaa astaan u noqotay billowga wejiga cusub ee xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Safarka Danjire Ospite ayaa qeyb ka ah dadaalka Soomaaliya ay ku ballaarinayso xiriirka ay la leedahay dalalka Aasiyada Dhexe.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada dhinac waxay isku afgarteen in la xoojiyo iskaashiga siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimaha bini’aadantinimada, iyagoo hoosta ka xariiqay in la abuuro fursado horumar wadaag ah.

Wasiir Saidov ayaa uga mahad-celiyay Danjiraha sida uu ugu heelan yahay kobcinta xiriirka labada dowladood, wuxuuna muujiyay diyaar u ahaanshaha Tashkent ee in lala shaqeeyo Soomaaliya si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah.

Danjire Fatxudin Cali Maxamed Ospite ayaa dhinaciisa uga mahad-celiyay dowladda Uzbekistan soo dhawaynta ay u fidisay, isagoo sheegay in furitaanka xiriirkani uu yahay talaabo muhiim u gogol xaaraysa iskaashi qoto dheer oo mustaqbalka labada dal u wada horseeda.

Xiriirka rasmiga ah ee Soomaaliya iyo Uzbekistan wuxuu bilowday 5-tii Febraayo 2024, kaddib markii labada dal ku kala saxiixdeen New York heshiiska wadaxaajoodka ee dhismaha xiriirka diblomaasiyadeed.

Heshiiskaas ayaa waxaa markaas saxiixay safiirrada labada dal u jooga Qaramada Midoobey, Amb. Ulugbek Lapasov iyo Amb. Abukar Dahir Osman.

Soomaaliya ayaa noqotay dalka 157-aad ee Uzbekistan la yeesha xiriir diblomaasiyadeed, iyadoo sanadkii 2024 uu Uzbekistan xiriir cusub la sameeyay 12 dal oo ku kala yaalla Afrika, Ameerika iyo Yurub.

- Advertisement -

Read more

Local News