Jamaame (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay waraaqo digniin ah ku daadiyeen degmadaasi, xilli Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ay wadaan guluf ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.
Diyaaradahan oo aan la aqoon dalka laga leeyahay ayaa siday farriin ay dadka deegaanka ugu sheegayaan inay isaga fogaadaan meelaha ay ka ag dhow yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab, taas oo macnaheedu yahay inay bartilmaameed yihiin.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa toddobaadkii saddexaad hawlgal ka wada deegaannada ku yaalla jiinka webiga Jubba ee hoos taga degmadaasi, iyo sidoo kale waddada laamiga ah ee taga Jamaame.
Qaar ka mid ah dadka reer Jamaame ayaa 16-kii bishan billaabay inay isaga barakacaan magaalada, kaddib duqeyn ay dad rayid ah ku dhinteen oo ka dhacday nawaaxigeeda.
Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo dhufeysyada iyo saldhigyada ay Shabaab ku leeyihiin bannaannada Jamaame, gaar ahaan dhulka hawdka, ay weli socdaan.
Maleeshiyadu waxay ku dagaallamaysaa sidii ay u sii haysan lahayd magaaladan oo aan mar qura laga saarin tan iyo sannadkii 2008.
Digniintan ayaa baqdinta ku kordhinaysa dadka weli ku harsan magaalada ee u joogay inay qiimeeyaan halka ay xaaladdu ku dambayn doonto. Dadka reer Jamaame ayaa dhowr jeer oo hore barakacay, markasta oo ciidamada ay hawlgallo ka billaabeen deegaannada hoos taga iyo duqeymo Al-Shabaab loogu geystay duleedyada iyo gudaha magaalada, balse ciidamada weli ma xaqiijin inay ka saareen maleeshiyadaasi.
Shabaab ayaa hore ugu suurtagashay inay fashiliyaan isku dayadii lagu doonayay in lagaga saaro magaaladan. Hawlgalkii ugu dambeeyay ee ay ka hortageenna wuxuu ahaa kii bishii March ee sannadkii hore, markaas oo ciidamada ay ugu dhaqaaqeen inay qabtaan magaalada, balse ay ka gudbi waayeen dhufeysyada ay maleeshiyadu ku leedahay hawdka u dhexeeya Baar Sanguuni iyo Jamaame.
Hadda, inkastoo Shabaabku ay dareemayaan culeyska uu leeyahay hawlgalkan socda, haddana waxay isku dayayaan inay hakiyaan ciidamada loo soo abaabulay inay qabtaan magaaladan.
Jamaame ayaa qiimo weyn u leh Shabaab, maadaama ay muhiim u tahay joogitaankooda degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Jilib ayaa noqotay xarunta ugu weyn ee ay Shabaabku ku leeyihiin dalka, kaddib markii bishii Oktoobar ee sannadkii 2014 ay lumiyeen gacan ku haynta degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dadka ay khasab ku noqoto inay Jamaame isaga baxaan ma tagi karaan dhinaca magaalada Kismaayo, maadaama ay xiran tahay waddada isku xirta Jamaame iyo Kismaayo. Si kastaba ha ahaatee, dadka ayaa gabaad u raadsan kara Jilib ama deegaanka Kuunya Barrow oo hoos taga degmada Baraawe.

