32.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Kadib toogashadii dhacday Trump oo joojiyey socdaalka dadka ka imanaya Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Madaxweyne Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday inuu “gebi ahaanba hakin doono” socdaalka dadka ka imanaya Soomaaliya iyo waddamada uu ugu yeeray “Dunida Saddexaad,” isagoo dhinaca kalena riixaya qorshe uu bixiyay “dib-u-celinta qaxootiga”.

Dhambaal xamaasad leh oo uu maalintii Thanksgiving-ka soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu Trump cod dheer ku dalbaday in la billaabo “DIB-U-CELINTA QAXOOTIGA,” isagoo eedda dambiyada iyo guri-yari’da dusha ka saaray soo-galootiga. Wuxuu wacad ku maray inuu jari doono kaalmada dowladda, xitaa uu kala noqon doono dhalashada dadka uu u arko inay yihiin “kuwa aan la jaanqaadi karin ilbaxnimada Reer Galbeedka.”

Go’aankan adag ayaa salka ku haya toogashadii dhawaan loo geystay laba askari oo ka tirsan Ilaalada Qaranka (National Guard) ee gobolka West Virginia, kuwaas oo ilaalo ka hayay agagaarka Aqalka Cad amar ka soo baxay Trump awgiis.

Sarah Beckstrom, oo 20 jir ahayd, ayaa u geeriyootay dhaawaceeda, halka Andrew Wolfe, 24 jir ah, ay xaaladdiisu weli halis tahay. Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa dacwad dil ah kusoo oogay Rahmanullah Lakanwal, oo ah 29-jir u dhashay Afghanistan, kaas oo Mareykanka ku yimid barnaamij dib-u-dejin loogu sameeyay dadkii caawiyay ciidamada Mareykanka xilligii dagaalka dalkaas.

Inkasta oo Trump uusan qoraalkiisa si toos ah ugu xusin weerarkaas, haddana dhacdadaasi waxay noqotay dhimbisha hurisay ololahan cusub ee ka dhanka ah soo-galootiga.

Wuxuu amray in dib u eegis lagu sameeyo malaayiin fayl oo la xiriira dadka soo-galootiga ah, isagoo si gaar ah diiradda u saaraya dadka kasoo jeeda 19 waddan oo loo arko “khatar sare,” kuwaas oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Afghanistan. Sidoo kale, wuxuu shaaciyay qorshe uu ku laalayo waxa uu ugu yeeray “aqbalaaddii sharci-darrada ahayd ee maamulka Biden.”

Isla farriintaas, Trump wuxuu si gaar ah u weeraray Soomaalida gobolka Minnesota, isagoo ku andacooday inay “si buuxda u qabsadeen gobolkii weynaa ee Minnesota,” wuxuuna ku tilmaamay “burcad Soomaali ah” oo uu sheegay inay “waddooyinka u wareegayaan sidii inay ugaarsanayaan dadka.”

Wuxuu adeegsaday eray aflagaaddo ah oo lagu durayo dadka naafada ka ah dhanka maskaxda si uu u caayo Guddoomiyaha Minnesota Tim Walz, wuxuuna dib u soo nooleeyay sheegashooyin aan caddeyn loo hayn oo ku saabsan taariikhda socdaalka ee xildhibaan Ilhaan Cumar.

Xaqiiqada jirta ayaa ah in Minnesota ay hoy u tahay bulshada ugu badan ee Soomaalida Mareykanka, iyadoo tirada dadka ku dhashay Soomaaliya ee halkaas ku nool ay gaarayaan tobanaan kun—taas oo ka dhigan wax yar in ka badan 1% shacabka gobolka, waana tiro aad uga yar “boqollaalka kun” ee uu Trump ku celceliyo.

Xildhibaannada deegaanka, hoggaamiyeyaasha diinta iyo u dhaq-dhaqaaqayaasha Soomaalida ayaa sheegay in hadallada madaxweynaha ay sii hurinayaan dhibaateynta iyo cabsigelinta bulshada, xitaa ka hor inta aan la dhaqangelin sharciyo cusub.

Hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa ku nuux-nuuxsaday in Soomaalidu ay laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha gobolka, iyagoo ka shaqeeya daryeelka caafimaadka guryaha, warshadaha, taksiileyaasha, ganacsiga yar-yar iyo maqaayadaha, iyadoo qaarkoodna loo doortay xilal dowladeed iyo kuwa deegaanka.

Ururrada ganacsiga ayaa digaya in tarxiil wadareed iyo joojinta soo-galootiga cusub ay sii xumeyn doonto shaqaale yaraanta ka jirta waaxyaha muhiimka ah ee dhaqaalaha.

Sawirka uu Trump ka bixinayo soo-galootiga oo uu ku tilmaamayo isha ugu weyn ee dambiyada iyo “burburka bulshada” ayaa ah mid si weyn uga hor imaanaya xaqiiqooyinka cilmiyeed ee la diiwaangeliyay tobanaan sano.

Daraasado laga sameeyay magaalooyinka Mareykanka ayaa muujiyay in deegaannada ay ku badan yihiin soo-galootiga aysan lahayn heerar dambi oo sarreeya, balse ay badanaa ka nabadgelyo badan yihiin xaafadaha dhiggooda ah. Daraasad muddo dheer socotay oo la adeegsaday xogta tirakoobka ee 150-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa lagu ogaaday in soo-galootiga ay aad uga yar yihiin xabsiyada marka loo barbardhigo dadka ku dhashay Mareykanka.

Trump weli ma uusan soo saarin qoraallo sharci oo faahfaahsan oo qeexaya sida uu u shaqeyn doono “hakinta rasmiga ah” ee socdaalka Soomaaliya iyo dalalka kale ee la beegsanayo, ama sida uu isugu dayi doono inuu laalo fiisooyinka, kaararka degenaanshaha (Green Cards) iyo dhalashada.

Kooxaha u dooda xuquuqda madaniga ah iyo qareennada socdaalka ayaa durba u diyaar garoobaya dagaallo dhanka sharciga ah, iyagoo ku doodaya in xayiraadaha guud ee ku saleysan jinsiyadda iyo isku dayga lagula noqonayo dhalashada dad aan dambi gelin ay si toos ah uga hor imaanayaan Dastuurka Mareykanka iyo sharciyada soo jireenka ah ee socdaalka.

- Advertisement -

Read more

Local News