Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii caadiga ahaa oo maanta oo Sabti ah ay lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa baaqday, kadib markii uu kooramka Baarlamaanka uu dhaafi waayay 12 Mudane, sida uu sheegay guddoonka sare.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa u sheegay xildhibaanada in kulankii maanta uu baaqday, isaga oo u sheegay in maalinta Isniinta ah uu qabsoomi doono kulanka xiga.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in xildhibaannada iyaga oo jooga magaalada Muqdisho ay soo xaadiri waayeen shaqadooda, isla markaana uu aad uga xun yahay.
“Xildhibaannadii iyagoo magaalada jooga ay maqan yihiin oo aysan soo xaadirin, sidoo kale xubnaha kamid ah golaha wasiirrada oo xildhibaanno iyagana sidoo kale waa imaan waayeen iyaga oo jooga magaalada Muqdisho” ayuu guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Xildhibaannada hadda fadhiya waa mahadsan tihiin shaqadiina waa soo xaadirteen, waana idin kaaga mahad-celineynaa”.
Abshirow ayaa sidoo kale soo saaray go’aan culus oo ka dhan ah xubnaha maqan, wuxuuna sheegay in laga jarayo gunnada, si loogula xisaabtamo maqnaashahooda.
“Maalin kasta ayaan yeeri jirnay xildhibaannada maqan laakiin manta yeeriska waxaan ku dreynaa inaan dabaqno heer hoosaadka qaybta in laga jaro gunnada” ayuu mar kale yiri.
Fadhiyada baarlamaanka ayaa sida caadiga ah qabsooma maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, waxaana laga sugayaa golaha inay meel mariyaan shuruuc muhiim u ah dalka.
Baaqashada kulamamadan ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah ayna taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashada dalka oo ay isku hayaan Dowladda Federaalka, Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

