30.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

DF oo wafdi culus u dirtay Masar – Maxaa soo kordhay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ay ku wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale, ayaa maanta u ambabaxay dalka Masar.

Safarkan ayaa ujeedkiisu yahay wada-hadallo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska iyo horumarinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Masar ay Soomaaliya u soo dirto ciidamo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah AS iyo sugidda amniga deegaannada la xoreeyay.

Labada dowladood ayaa hore u muujiyay inay ka go’an tahay adkeynta nabadgelyada gobolka, gaar ahaan ilaalinta Badweynta Hindiya iyo Badda Cas oo door muhiim ah ku leh isku socodka ganacsiga caalamiga ah.

Ciidanka Masar ee la filayo inay yimaadaan ayaa lagu dari doonaa howl-galka AUSSOM ee xasilinta Soomaaliya, inkastoo howlgalkaasi uu wajahayo hoos u dhac dhanka dhaqaalaha ah kadib markii qaar ka mid ah dalalkii maalgelin jiray ay yareeyeen taageeradii ay bixin jireen.

Dowladda Masar ayaa mar kale xaqiijisay garab istaagga ay u hayso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta, iyadoo ku baaqday midnimo iyo wada-shaqeyn dhab ah oo dhex marta hoggaanka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, labada dowladood ayaa dhawaan isku raacay in la adkeeyo iskaashiga dhanka amniga, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha gobolka.

Waxay ku heshiiyeen in la sii wado wada-shaqeynta dhow ee labada dal ee heer gobol iyo heer caalami, si loo xoojiyo nabadda, horumarka iyo xasilloonida guud ahaan Geeska Afrika.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Masar ayaa horey u gaaray heshiis dhanka amniga, iyadoo labada dal ay iskaashigooda sii xoojiyeen kadib heshiiskii gardarrada ahaa ee Itoobiya la gashay Somaliland, kaasi oo ay ku dooneysay Addis Ababa inay kusoo gaarto biyaha Soomaaliya.

Kadib heshiiskaas, Masar ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay saanad ciidan iyo hub culus, iyadoo dhawaan ciidamo usoo diraysa gudaha dalka. Sidoo kale waxay Qaahira door weyn ka qaadaneysa tayeynta ciidamada Soomaaliya oo hub iyo qalab ay siineyso.

- Advertisement -

Read more

Local News