30.5 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Maamulka TRUMP oo soo saaray amar saameyn kara xawaaladaha Soomaalida

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) –  Hay’adda dabagalka dambiyada maaliyadeed ee hoostagta Waaxda Maaliyadda Mareykanka (FinCEN) ayaa soo saartay digniin culus, iyada oo fartay shirkadaha adeegyada lacagaha in ay si aad ah u adkeeyaan hubinta lacagaha dibadda loo diro ee ay sameeyaan dadka aan haysan sharciga deganaanshaha Mareykanka.

Tallaabadan ayaa la saadaalinayaa inay saameyn weyn ku yeelato qulqulka lacagaha xawaaladaha Soomaalida, kuwaas oo ah halbawle nololeed oo ay ku tiirsan yihiin malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya iyo Geeska Afrika. 

Qoraal rasmi ah oo la faafiyay 28-kii Nofembar, ayay FinCEN ku sheegtay in digniintan loola jeedo in lagaga hortago waxa ay ugu yeertay “shisheeyaha sharci-darrada ku jooga Mareykanka” in ay nidaamka maaliyadeed u adeegsadaan gudbinta “dhaqaale si qaldan lagu tabcay” oo dibadda loo dhoofiyo.

Hay’adda ayaa intaas ku dartay in Mareykanku uu diiwaangeliyay mug aad u sarreeya oo lacago dibadda loo dirayo, oo ay ku jiraan xawaaladaha, iyadoo ugu baaqday shirkadaha lacagaha dira inay muujiyaan “feejignaan dheeri ah oo ku aaddan aqoonsiga dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee shakiga leh.”

Sida ku cad awaamiirta cusub, shirkadaha xawaaladaha waxaa laga doonayaa inay gudbiyaan Warbixinta Dhaqdhaqaaqa Shakiga leh (SAR) ee ku aaddan macaamil kasta oo gaaraya ugu yaraan $2,000, haddii ay ogaadaan, ka shakiyaan, ama ay hayaan sabab ay uga shakiyaan in lacagtaasi ay jabinayso shuruucda Mareykanka.

Tani waxay si gaar ah u khuseysaa lacagaha “laga helay shaqooyin sharci-darro ah” ama loo maleynayo in siyaabo kale oo aan toosnayn looga sameeyay gudaha Mareykanka.

FinCEN waxay sheegtay in digniintani ay daba socoto Wareegtadii Madaxweyne Donald Trump uu saxiixay bishii Janaayo 2025 ee tirsigeedu ahaa 14159, taas oo cinwaan looga dhigay “Ka Difaacidda Dadka Mareykanka Duulaanka.” Wareegtadaas ayaa soo-galootiga sharci-darrada ah ku tilmaamtay “duulaan,” waxaana tan iyo markaas loo adeegsaday cudurdaar lagu meel-mariyo tallaabooyin is-daba-joog ah oo la xiriira amniga iyo socdaalka.

Inkastoo digniintu aysan si toos ah u magacaabin muwaadiniinta Soomaaliyeed ama dal gaar ah, haddana shirkadaha xawaaladaha ee ay Soomaalidu maamusho ee ka howlgala magaalooyinka waaweyn sida Minneapolis, Columbus, iyo Seattle, ayaa ah laf-dhabarta isku xirta qurbajoogta iyo bulshada ku nool Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.

Soomaaliya ayaa ah mid ka mid ah dalalka caalamka ee dhaqaalahoodu aadka ugu tiirsan yahay xawaaladaha. Xogta Bangiga Adduunka iyo daraasado kale ayaa muujinaya in lacagaha qurba-joogta ay qayb libaax ka yihiin wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP), iyadoo sannadkii la qiyaaso in balaayiin doollar ay dalka soo galaan. Lacagtaas ayaa ah isha koowaad ee ay qoysas badani ka bixiyaan biilka cuntada, kirada guryaha, waxbarashada, iyo caafimaadka.

Tallaabooyin hore oo la xiriiray la-dagaallanka lacag-dhaqidda ayaa sababay in bankiyo badan oo caalami ah ay xiraan xisaabaadkii shirkadaha xawaaladaha Soomaalida, habkaas oo loo yaqaan “yareynta khatarta” (de-risking). Hay’adaha samafalka iyo cilmi-baarayaashu waxay carqaladahaas ku tilmaameen halis dhab ah oo soo wajahday nolosha dadka caadiga ah.

Waqtiga ay soo baxday digniintan cusub ee FinCEN ayaa ku soo beegmaysa xilli ay cirka isku shareertay hadal-haynta siyaasadeed ee lagu beegsanayo soo-galootiga Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka.

Isbuucii hore, Madaxweyne Trump ayaa ku dhawaaqay inuu soo afjarayo Maqaamka Ilaalinta Ku-meel-gaarka ah (TPS) ee Soomaalida ku nool gobolka Minnesota, isagoo ku eedeeyay in “kooxo burcad Soomaali ah” ay “argagax gelinayaan” gobolka, wuxuuna Minnesota ku tilmaamay “xarun ay ka socoto lacag-dhaqid baahsan oo been abuur ah.” Madaxweynuhu ma uusan soo bandhigin wax caddeymo ah oo taageeraya eedeymahaas intii uu jeedinayay hadalladiisa fagaaraha ah.

Maalmihii la soo dhaafay, Madaxweynuhu wuxuu si joogta ah u weerarayay bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota qoraallo uu soo dhigay baraha bulshada iyo khudbado uu jeediyay, gaar ahaan ka dib toogasho ay askari ka tirsan Ilaalada ku dhinteen oo uu geystay nin u dhashay Afghanistan oo ku sugnaa meel u dhow Aqalka Cad.

Trump ayaa sheegay in soo-galootiga Soomaalidu ay “gebi ahaanba la wareegayaan” gobolka, isagoo intaas raaciyay “Soomaalidu dhibaato badan ayay geysteen,” hadalkaas oo dhaliyay cambaareyn xooggan oo kaga timid mas’uuliyiin iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Aqalka Cad ayaa weerarkii Washington ku xiray qorshe ballaaran oo lagu adkeynayo shuruucda socdaalka. Trump ayaa ku baaqay in la hakiyo soo-galootiga ka imanaya “Waddamada Dunida Saddexaad” iyo in la ballaariyo awoodaha lagu musaafurinayo dadka loo arko inay dhibaato wadaan. Falanqeeyayaasha ayaa arrintan ku tilmaamay mid la jaanqaadaysa fikradda “dib-u-celinta qaxootiga” (remigration), taas oo ay u ololeeyaan garabka midig ee mayalka adag ee Qaaradda Yurub.

Digniinta FinCEN ma soo rogeyso waajibaad sharci oo cusub oo saaran shirkadaha xawaaladaha ee ay Soomaalidu leedahay. Si kastaba ha ahaatee, waxay calaamad u tahay in si gaar ah isha loogu hayn doono lacagaha ay diraan macaamiisha aan haysan sharciga, xilli ay bulshada Soomaaliyeed wajaheyso culeys siyaasadeed oo cusub.

Madaxda shirkadaha iyo hoggaanka bulshada ayaa hadda qiimeynaya sida loo dhaqan-galin doono awaamiirtan iyo inay sii ciriirin doonto marinnada rasmiga ah ee ay qoysas badan oo Soomaaliyeed ku tiirsan yihiin.

- Advertisement -

Read more

Local News