28.9 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

TRUMP oo mar kale u gefay Soomaaliya kuna dhawaaqay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareynka Donald Trump oo saacado kahor la hadlay warbaahinta ayaa mar kale u gefay Soomaaliya, isaga oo tusaale xun usoo qaatay, intii uu ku guda jiray hadal jeedintiisa.

Trump ayaa sheegay in Soomaaliya aysan laheyn dowlad rasmi ah iyo ciidamo ku filan amnieeda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in Soomaalida aysan u ogolaan doonin dalkiisa, isaga oo ku sifeeyay inay yihiin dad colaadeed oo is-dilaya.

“Dalal sida Soomaaliya oo kale ah, oo aan lahayn dawlad dhab ah, ciidan dhab ahna aan lahayn oo dadka is dilaya keliya ku mashquulsan, waxay yimaadaan dalkeenna iyaga oo noo sheegaya sida aan dalkeenna u maamuli lahayn. Ma doonayno taas.” ayuu yiri Trump.

Madaxweynaha Mareykanka oo horay u jeediyay hadallo aan isku xirnayn oo dad badan ka yaabiyey ayaa dhawaan Xisbiga Dimuqraadiga Mareykanka la barbar dhigay Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in hoggaan la’aan uu yahay, sida Soomaaliya oo kale.

“Wicitaanno ayaa iga soo gaaraya Dimoqraadiyiin doonaya inay ila kulmaan. Weligay hore uma maqal magacyadooda. Waxayna sheeganayaan inay yihiin hoggaamiyeyaal — Dimoqraadiyiintu hoggaan ma leh. Waxay i xusuusinayaan Soomaaliya,” ayuu horay u yiri Trump.

Hadalka Trump oo dhaliyay falcelin xoogan ayaa si muuqata u xambaarsanaa cunsuriyad iyo jees-jees siyaasadeed, isagoo aan lahayn isku xirka hadal siyaasadeed oo rasmi ah.

Madaxweynaha oo caan ku ah hadallo soo noqnoqda iyo jees-jees, ayaa ku celinayay kaftan uu horraantii bishan ka sheegay Ilhaan, isagoo ku andacoonaya inuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud weydiiyay in Ilhan Omar “dib loogu celin karo” dalkii ay asal ahaan ka soo jeeday.

- Advertisement -

Read more

Local News