Garoowe (Caasimada Online) – Deegaanada Puntland waxaa ka jirta abaar ba’an oo biyo la’aantu ugu daran tahay, iyadoo meelaha miyiga ah ay wajahayaan xaalad adag.
Wararka ayaa sheegaya in deegaannada miyiga ay xoolihii iyo dadkuba la’yihiin wax ay dhuunta ku qooyaan, kadib markii ay angageen baraagihii nurbiyoodku ay gali-jireen,maadaama la waayay sanadkaan roobkii dayrta.
Deegaannada ugu daran ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay ka mid yihiin tuulooyinka ku dhow degmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal, oo reer guuraagu la tacaalaan cunto yari iyo biyo la’aan.
Bulshada deegaanka Godbo ayaa sheegay in xaaladdu faraha ka baxday, xoolihiina ay halis ugu jiraan harraad iyo nafaqo darro, maadaama baahida ugu weyn ay tahay helitaanka biyo nadiif ah.
Dadku waxay tilmaameen in deegaanka uusan ka jirin ceelal biyo ah, halka baraagihii ay ku tiirsanaayeen ay engegeen, booyadaha biyaha keena ayaana qiimahoodu gaarayo $150, taasoo ka sarreysa awooddooda dhaqaale.
Qoysaska ay abaartu saameysay ee ku nool Godbo ayaa baaq u diray dowladda Puntland iyo hay’adaha samafalka, iyagoo codsaday in si degdeg ah loo gaarsiiyo gargaar.
Maamulka Puntland ayaan weli qaadin tallaabo loogu gurmanayo dadka biyo la’aanta iyo abaartu isugu darantay, marka laga reebo guddi dhawaan la magacaabay.

