Muqdisho (Caasimada Online) – Shil gaari oo sababay dhimashada haweeney 60 jir ah oo lagu magacaabi jiray Maryan Maxamuud Culusow ayaa xalay ka dhacay degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho.
Gaariga shilka geystay oo noociisu ahaa (Ina-tareey) ayaa la sheegay in darawalku damacsanaa inuu kala wareego, balse uu ka waayay bareegga. Tani ayaa sababtay in uu si xooggan ugu dhaco guriga ay ku sugneyd marxuumaddu iyo maqaayad ku dhow.
Shilka ayaa sidoo kale sababay dhaawaca afar qof oo ku sugnaa goobta, kuwaas oo la sheegay in xaaladooda caafimaad ay kala duwan tahay. Dadka deegaanka ayaa ku waramay in jug weyn ay ka dhalatay dhacdadan.
Goobta uu shilku ka dhacay oo u dhow isgoyska Howl-wadaag iyo saldhigga booliska degmada ayaa waxaa si degdeg ah u tegay ciidamo ka tirsan amniga dowladda, kuwaas oo xiray waddada.
Ciidamada ayaa meydka marxuumadda u qaaday xarunta CID ee dambi-baarista. Qoyska marxuumadda ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu wareejiyo maydka si aas loogu sameeyo.
Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay shilalka ay ku lug leeyihiin gaadiidka xamuulka, taas oo walaac ku abuurtay shacabka. Dad badan ayaa ku baaqay in la xoojiyo kormeerka gaadiidka noocan ah.
Waxaa inta badan loo aanaynayaa in wadayaal badan ay kaxeeyaan gaadiid aan si buuxda loo hubin, taas oo keentay in mararka qaarkoodna ay ka waayaan bareegga.
Sidoo kale waxaa qeyb ka ah shilalka kusoo badanaya caasimadda, gawaarida xamuulka ah oo lagu raro culeys ka badan inta ay qaadi karaan, kuwaas oo intooda badan ah kuwo duqoobay.

