25.8 C
Mogadishu
Thursday, December 4, 2025

Daawo: Xamza oo weerar xun ku qaaday Fahad kadib arrintii Maxamed Siyaad

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa weerar afka ah ku qaaday Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, oo dhawaan qoraal uga jawaabay hadal kasoo yeerau Xamza, kaasi oo uu ku eedeynayay kacaankii.

Xamza ayaa Fahad ku tilmaamay qof aan aqoon cilmiyeed lahayn, isaga oo ku qeexay jawaabtii uu ka bixiyay hadalkiisa mid aan dhammaystirnayn, maadaama aysan miisaan lahayn, sida uu hadalka u dhigay.

“Hal xabbo oo taban (negative) ah kama uusan sheegin kacaankii, waa u garaabayaa maadaama uusan aqoon cilmiyeed lahayn. Dhibaatadaas waan ugu dulqaadanayaa, haddiise aan macallin ahaan lahaa waxaa ku siin lahaa eber,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Xamza ayaa ku adkaystay in qoraalku yahay mid dhaxal reeb ah, isla markaana ay lagama maarmaan tahay marka wax la qiimeynayo in labada dhinac laga eego (togan & taban).

“Wuxuu iloobayaa saaxiibkay, u fiirso: Khamriga iyo khamaarka marka uu Ilaahay sheegayay, dambi weyn ayaa ku jira, dadkana manfacooyin ayaa uga jira, habka uu Ilaahay u dhigay,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dhawaan si weyn loogu dhaliilay hadal uu ka jeediyay madal ka dhacday Muqdisho, kaasi oo uu kacaankii ku eedeeyay burburka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadka ka falceliyay hadalkaasi, isaga oo sheegay in kacaanku intii uu dalka u qabtay uusan maalin u qaban Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News