Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in gebi ahaan uu baaqday shirkii lagu waday in magaalada Nairobi ay ku yeeshaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban Puntland, Jubbaland iyo Madasha Samatabixinta.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online, u xaqiijiyey in shirka dib loo dhigay, kadib khilaaf culus oo soo kala dhex-galay xubnaha qaar ee golaha dhexdooda.
Arrimaha la”isku qabtay oo ay ku jiraan qodobo waa wayn ayaa waxaa kamid ah;-
1- In shirka muhiim u yahay Golaha iyo in kale, iyadoo qaar ka mid ah xubnaha ay sheegeen in aan loo baahnayn in safar dibadda looga baxo.
2-Casuumadda madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo keentay kala aragti duwanaansho xooggan, xubno katirsan Madashana ay si cad uga soo horjeesteen inuu ka qeybgalo.
3- Madaxda dowladda Soomalaiya oo dowladda Kenya ku cadaadiyay iney hoos u dhigaan qabsoomida shirkan.
Wararka ayaa intaasi kusii darayay in illaa iyo hadda aan xal loo helin khilaafka soo shaac baxay ee Golaha Mustaqbalka, taas oo shaki gelineysa qabsoomida shirkooda Nairobi.
Shirkan ayaa lagu waday in uu yeesho muhiimad siyaasadeed oo gaar ah, maadaama uu kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay taagan xiisad ka dhalatay hannaanka doorashooyinka dalka oo ay isku hayaan iyaga iyo madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxaa kale oo iyana mugdi ku jira shirweynaha mucaaradka uu bishaan ku lahaa gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland, kaas oo isna dib u dhacay, sababo la xiriira shirka Nairobi oo la filayay in qodobo muhiim ah ay diiradda ku saaraan dhinacyada.

