28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

DF Soomaaliya oo shaacisay inay beddeleyso hannaanka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Beeraha ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ku dhawaaqay in dowladda ay beddeshay habkii hore ee wax-ka-qabashada abaaraha, kaas oo ku dhisnaa in dadka lagu ururiyo xeryaha magaalooyinka si halkaas loogu gargaaro.

Qorshaha cusub ayaa ah in dowladdu ay taageerada gaarsiiso dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyaga oo ku sugan guryahooda iyo beerahooda.

Maareeye ayaa arrintan ka sheegay kulan uu la yeeshay hay’adaha gargaarka ka shaqeeya ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin FAO, WFP, iyo NDP. Wasiirku wuxuu sheegay in siyaasadda cusub ay xoogga saaraysaa ilaalinta xoolaha, beeraha iyo hoyga dadka, iyadoo beeraleyda iyo xoola-dhaqatada lagu barayo farsamooyin casri ah oo ka caawin kara inay u adkeystaan isbeddellada cimilada.

“Ujeeddadeennu waa in dadka lagu garab istaago halka ay ku nool yihiin, si loo ilaaliyo xoolahooda iyo beerahooda, loogana hortago barakac aan loo baahnayn,” ayuu yiri wasiirku, isaga oo tilmaamay in arrintani ay ka mid tahay qorshaha dowladda ee adkeynta bulshooyinka ay abaaruhu saameeyaan.

Dhanka kale, hay’adaha gargaarka ee SODMA ayaa marar badan lagu dhaliilay inay door ku leeyihiin barakaca gudaha, iyadoo shaqaalaha hay’adaha gargaarkana lagu eedeeyay inay dadka ku dhiirrigeliyaan in ay ka soo baxaan deegaanadooda una guuraan magaalooyinka, taas oo keenta in xeryuhu buuxsamaan.

Warbixin ay soo saareen OCHA iyo HNRP ayaa muujisay in in ka badan 3 milyan oo qof ay gudaha Soomaaliya ku barakaceen, badankoodna ay sabab u yihiin abaarta, cimilada adag iyo colaadaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda dadaal ugu jirta in gargaar toos loogu geeyo dadka ku haray tuulooyinka si loo yareeyo barakaca loona xoojiyo adkeysiga bulshooyinka reer miyiga.

- Advertisement -

Read more

Local News