Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa fiidnimadii Arbacada toogtay nin xirnaa jaakad ka samaysnayd walxaha qarxa, kaas oo doonayay in uu gudaha u galo Xerada General Dhega-badan ee magaalada Muqdisho.
Ninkan oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ayay wararku sheegayaan in uu aad ugu soo dhowaaday xeradaas, ka hor inta aysan ciidamadu toogin, isla-markaana uusan is qarxin.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa war uu soo saaray ku sheegay: “Ciidanka oo feejignaan buuxda ku jiray ayaa toogtay naftii-halligaha, ka dib markuu isku dayay in uu galo xerada.”
Warka ayaa lagu sheegay in qaraxu uu dhaawac ka soo gaaray qaar ka mid ah ilaalada xeradaas, iyadoo dhinaca kalena uu talisku sheegay in amniga xerada iyo nawaaxigeeduba uu yahay mid sugan.
“Qaraxaas wuxuu sababay dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah ilaalada xerada. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijinaya in amniga xerada iyo guud ahaan nawaaxigeeda uu yahay mid sugan,” ayaa lagu yiri warka.
Xeradan waxay ku taallaa degmada Wadajir, waxaana lagu tababaraa dhallinyarada loo qaadanayo in ay ka mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka.
Xeradan oo hore loo oran jiray Jasiira ama Warshaddii Nacnaca ayaa waxaa 20-kii bishii November ee sanadkii 2015 loogu magac-daray Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan).
Allaha u naxariistee General Dhega-badan ayaa 1-dii bishaasi ku geeriyooday weerar uu qarax ku bilowday oo dabley ka tirsan Al-Shabaab ay ku gashay Hotel Saxafi oo ku yaalla isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Xeradan ayaa waxaa dhowrkii sano ee u dambeeyay ku soo noqnoqday weerarrada qaraxyada ee ay Al-Shabaab mas’uul ka tahay.
Xeradan ayaa noqotay bartilmaameedka koowaad ee mintidiinta Al-Shabaab, marka loo eego xeryaha kale ee ciidamada ee ku yaalla Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka, oo sidaas aan ahmiyad badan loo siinin, inkastoo mararka qaar ay xeryahaasi qaarkood weeraraan.
General Dhega-badan ayaa ahaa mid ka mid ah saraakiishii milatariga Soomaaliya ee dagaalka adag la galay Shabaabka, kana saaray dhul ballaaran oo dalka ay kaga sugnaayeen.
Jananka ayaa la sheegaa in saraakiishii xilligiisa uu kaga duwanaa codkarnimadiisii gaarka ahayd iyo in uu si wanaagsan u garanayay xeeladaha dagaalka ee kooxaha argagixisada, taasna ay soo jiidatay indhaha Shabaabka, isla-markaana ay ka dhigtay in uu hadaf u noqdo.
Shabaabka ayaa xeradan u arka mid soo saari karta geesiyaal la mid ah General Dhega-badan, maadaama ay kuwo badan kaga tusaale qaadan karaan sida uu ugu taagnaa dalka difaaciisa.
Dhallinta jecel in ay dalkooda iyo dadkooda u adeegaan ayaa dhageysta codka nool ee jananka ee maanta laga heli karo baraha bulshada.
Waxaa kale oo xusid mudan in askarta lagu tababaro xeradaasi lagu wacyigeliyo in ay waddaniyadda iyo daljacaylka kaga daydaan General Dhega-badan.
Jananka ayaa intii uu noolaa waxa uu ka badbaaday dhowr isku dayo dil ah oo Shabaabku ay ku doonayeen in ay ku khaarijiyaan.
Isku daygoodii ugu dambeeyay ee fashilmay ee ujeedkiisu ahaa in jananka lagu dilo ayay sameeyeen 7-dii bishii April ee sanadkii 2012, markaas oo nin ka tirsan Al-Shabaab uu la soo xiriiray darawalkii jananka oo ay qaraabo ahaayeen, isla-markaana uu u sheegay in la dabooli doono baahidiisa maaliyadeed, haddii uu u fududeeyo qarax ay qorshaynayeen in lagu xiro gaarigii General Dhega-badan, si saaxadda dagaalka looga saaro.
Darawalka ayaa xilligaasi xogtii la wadaagay jananka, waxaase cajiib ahayd in jananku uu ku booriyay in uu la sii wado xiriirkii uu kala soo sameeyay taleefanka gacanta. Ninkaas oo lagu ballamiyay goob la isla yaqaan ayaa ugu dambayn waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada amniga.
Jananka ayaa qabashada ninkaasi ka dib sheegay in darawalkiisii loo ballanqaaday in la siin doono labaatan kun oo doollar ah oo Mareykan ah ($20,000), balse uusan wax damac ah ka gelin lacagtaas, isla-markaana uu xogta si toos ah ula soo wadaagay.
Shabaabku kama caagin shirqooladii ay u maleegayeen jananka, illaa 1-dii bishii November ee sanadkii 2015 ay ku dileen weerar abaabulan oo ay ka geysteen Hotel Saxafi.
Toban sano ayaa hadda laga joogaa markii uu jananku geeriyooday, waxa weli yool looga dhigaa xerada loogu magac-daray, si aan qarankan uga soo hanaqaadin kuwo Dhega-badan oo kale ah.

