28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Faah-faahinta howlgal culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaanka Dhoqor ee gobolka Hiiraan.

Dhoqor, oo ka mid ah deegaannada hoos yimaada magaalada Baledweyne, ayaa waxaa howlgalka ka fuliyay ciidamo ka tirsan Macawiisleeyda, waxaana lagu soo warramayaa in khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa lagu dilay laba xubnood oo Al-Shabaab ah. Macawiisleeyda fulisay howlgalka ayaa sidoo kale ku guuleystay inay qabsadaan hubkii ay wateen ragga la dilay.

Dhoqor, oo ku teedsan wabiga Shabeelle kana xigta Baledweyne qiyaastii 25 km, ayaa maanta si weyn looga hadal hayaa magaalada iyo deegaannada ku dhow howlgalka ay fuliyeen Macawiisleeyda.

Tani ma aha markii ugu horreysay ee Macawiisleeyda Hiiraan ay fuliyaan howlgal noocan oo kale ah oo lagu beegsado xubno Al-Shabaab ah oo ku sugan qaybo ka mid ah gobolka.

Si kastaba, howlgalkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ciidamada Macawiisleeyda Hiiraan ku bartilmaameedsanayaan xubnaha Al-Shabaab ee weli ku sugan bariga gobolka.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo toddobaadyadii u dambeeyay ku guuleystay khaarajinta horjoogayaal ka tirsan kooxda.

Laba toddobaad ka hor ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dileen Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjoogaha jabhadaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ninkan ayaa ka mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeeda, waxaana ugu dambeyn xalay lagu khaarijiyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay, waxayna illaa hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xaqiijiyeen bartilmaameedyo muhiim ah.

- Advertisement -

Read more

Local News