32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Dil kale oo la xiriira aano-qabiil oo ka dhacay K/Galbeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saaka ka dhacay magaalada Yaaqbari-weyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dilkan ayaa waxay koox hubeysan u geysatay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Ilyaas Cismaan Xasan, kaasi oo kamid ahaa dhallinyarada ku shaqaysata mootada nooca loo yaqaan Fekon.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kooxdii dilka geysatay ay isla markiiba ka baxsadeen goobta. Dilkan ayaa daba socda dilal aanooyin qabiil ah oo horey uga dhacay Yaaqbari weyne, sida ay sheegeen ehelka marxuumka la dilay.

Sidoo kale waxay ehellada Ilyaas Cismaan ay dalbadeen in lasoo qabto kooxdii dishay wiilkooda, isla markaana loo mariyo cadaaladda oo loo soo taago maxkamad.

Magaalada Yaaqbari-weyne ayaa muddooyinkan dambe xasilooneyd kadib xabad-joojin la kala dhex dhigay maleeshiyaad ku dagaalamay halkaasi, iyadoo si tartiib-tartiib ah dib ugu soo laabtay is-dhexgalka bulshada.

Dilkan ayaa imanaya xilli magaalada ay ka socdaan howl-gallo lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyaadka hubaysan ee sameeya jidgooyooyinka iyo kuwa ku lug leh dilalka aanooyinka.

Qaar ka mid ah dadka la qabtay ayaa dhawaan loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, oo ayadu ka go’aan gaareysa kiiskooda.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Yaaqbari-weyne, saraakiisha amniga, dowladda dhexe ama dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo ku saabsan dilka maanta ka dhacay degmada.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa si weyn ugu soo badanaya dilalka aanooyinka qabiilka, iyadoo bishii hore aagga degmada Wanlaweyn lagu gubay Marxuum Isaaq Daa’uud oo ahaa oday da’ ah.

Dilkaas foosha xun ayaa waxaa kasii dhashay dilal kale oo salka ku haya aanooyin qabiil oo ka dhacay halkaasi, kuwaas oo qaarkood laamaha ammaanka ka howl-galeen. Maxkamadda Ciidamada ayaa dhawaan xukunno adag kasoo saartay dhacdooyinkaas foosha xumaa ee ka dhacay aagga Wanlaweyn.

Maxkamadda oo kiisaskan siisay waqtiyo ku filan, kuna dhageystay xeer ilaalinta iyo sidoo kale qareennada u doodayay eedeysanayaasha ay soo saartay xukunno isugu jiray dil toogasho ah iyo xabsi ciidan.

Xasan Buulle Isaaq, Yuusuf Aadan Xuseen (Suuley), Abshir Cabdow Xasan Made, Maxamed Sayid Cumar Awbiime, Cumarey Iskoy Maame, Abuukar Daa’uud Cismaan, Liibaan Abuukar Cumar (Shiine), Yuusuf Abuukey Maamo iyo Jamaal Maxamed Qaadi ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.

Dhammaan raggan ayaa lagu helay dil wadareed ka dhacay Warta Cismaan oo qiyaastii 8M u jirta degmada Wanlaweyn, laguna dilay 12 qof iyo falkii lagu gubay Isaaq Daa’uud Maxamed ee ka dhacay aagga degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale, Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis), Fu’aad Axmed Maxamed (Duqow), Deeqow Cismaan Nuunow, Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Maxamed Cismaan (Cabdi Tuure) oo maqanayaal ah ayaa iyaguna lagu xukumay toogasho.

Dhammaantood waxaa iaygana raggan loo haystaa weerar lagu dilay illaa 5 qof, laguna dhaawacay 5 kale oo ay ku qaadeen Ceelka Yaaqbariweyne, muwaadin si fool xun loogu dilay isla Yaaqbariweyne iyo falal kale oo ay kamid tahay jidgooyo lagu dhibaateeyo masaafurka.

Cabdifitaax Sokorey Gaduudow, Daahir Mukhtaar Shibow, Saaax Xuseen Cali, Cabdixamiid Cabdullahi Siidow, Maxamed Daahir Cismaan iyo Muslimo Cabdi Kuusow oo iyaguna kaalin ka qaatay dhacdadii foosha xumeyd ee muwaadinka lagu gubay ayaa sidoo kale lagu xukumay min 5 sano oo xabsi ciidan ah.

- Advertisement -

Read more

Local News