27.7 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

Wasiir Fiqi oo jawaab culus ka bixiyey aflgaadada Donald Trump ee Soomaalida

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba aqbali doonin in sharaftooda meel looga dhaco, kadib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu mar kale aflagaado u geystay dadka kasoo jeeda dalkan ku yaalla Geeska Afrika.

Isagoo ka hadlayay isu-soo-bax ka dhacay gobolka Pennsylvania maalintii Talaadada, kaas oo loogu talagalay in diiradda lagu saaro arrimaha dhaqaalaha, Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday dadka kasoo muhaajira dalalka loo yaqaan “Dunida Saddexaad”.

“Mar kasta waxaan dad ka keennaa Soomaaliya, meelo masiibo ah, sax?” ayuu yiri Trump. “Waa meelo wasakh ah, fool-xun, laga yaqyaqsado, dambiyadana ay hareeyeen.”

Wuxuu intaas ku daray, “Waxa kaliya ee ay ku fiican yihiin waa inay maraakiibta weeraraan,” isagoo ula jeeda falalkii burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya.

Toddobaadkii hore, Trump ayaa shirkii Golaha Wasiirrada ee Aqalka Cad ku tilmaamay Soomaalida “qashin”, isagoo yiri “waxay kaliya ku mashquulsan yihiin inay is-dilaan.”

Fariin qoraaleed uu u diray wakaaladda wararka ee Reuters, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Trump looga baahan yahay inuu xoogga saaro fulinta ballanqaadyadii uu u sameeyey cod-bixiyayaasha Maraykanka “halkii uu ku mashquuli lahaa Soomaaliya.” 

Wasiirka oo muujiyay sida uu uga mahadcelinayo taageerada militari ee Maraykanka ee lagula dagaallamayo kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida, ayaa dhanka kale si cad u diiday sifaalaha iyo aflagaadada uu Trump ku tilmaamay Soomaalida.

“Dadka Soomaaliyeed waxaa dunida looga yaqaannaa inay yihiin dad shaqo badan,” ayuu yiri Fiqi. “Waxaa lagu yaqaannaa dhabar-adayg marka ay xaaladuhu adag yihiin. Waxay soo mareen dhibaatooyin badan iyo cadowyo kala duwan, oo ay ku jiraan kuwo diiddan jiritaankooda, kuwo laayay, iyo kuwo bahdilayay ama caayayay.”

Wasiirka ayaa hadalkiisa kusoo xiray: “Dhammaantood way ka gudbeen, wayna ka badbaadeen.”

Trump ayaa sii kordhiyay weerarka uu ku hayo Soomaalida wixii ka dambeeyay toogashadii bishii hore lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Qaranka (National Guard) ee Washington, taas oo ku kalliftay inuu ballanqaado joojinta socdaalka dadka ka imanaya dalalka saboolka ah.

Hase yeeshee, dhacdadaas toogashada ah ee Washington waxaa lagu soo oogay muwaadin u dhashay dalka Afghanistan, kaas oo maxkamadda ka hor sheegay inuusan dambiile ahayn.

Trump, oo muddo dheer caan ku ahaa adeegsiga luuqad cunsuriyad iyo midab-takoor ah, ayaa marar badan ku baaqay in dalka laga musaafuriyo Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga, taas oo si weyn u dhaliisha siyaasaddiisa, noqotayna muwaadinad Maraykan ah kadib markii ay Soomaaliya kasoo haajirtay 30 sano ka hor.

- Advertisement -

Read more

Local News