Badhan (Caasimada Online) – Beesha Warsangeli ayaa magdhow ka dalbatay ciddii dishay caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi.
Waxgaradka beesha Warsangeli oo kulan ku yeeshay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in xaqdarro lagu dilay caaqilka, iyagoo ciddii dishay oo Mareykanka ah ka dalbaday magdhow.
“Xaqii caaqil Cumar waxaa ka sugaynaa ciddii falkaasi geysatay iyo cid walba oo ku lug lahayd. Waxaan aaminsanahay in xaq darro lagu dilay caaqilka,” ayuu yiri Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kulanka ka hadlay.
Sidoo kale wuxuu suldaanku sheegay in uu cagantiisa midig ahaa caaqil Cumar, isla markaana uu ahaa nin cibaado badan oo mar walba ka shaqeeya nabadda.
Caaqil Cumar oo ka mid ahaa nabadoonnada ugu waaweyn ee gobolka Sanaag ayaa waxaa 13-kii September 2025 lagu dilay deegaanka Jicanyo, oo ku dhow degmada Ceelbuh. Caaqilka ayaa markaas kusii jeeday degmada Badhan.
Laamaha amniga Puntland oo dhawaan soo bandhigay natiijo baariseed laga sameeyay dilkii caaqilka wuxuu sheegay in uusan wax kayd ama gal dambi ah ka oolin Puntland iyo in uu kaligiis ahaa markii la dilayay.
Duqeynta lagu dilay caaqilka ayaa waxaa sheegtay Mareykanka. Inkastoo taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uusan shaacin magaca qofka uu ku dilay duqeynta, haddana goobta iyo waqtiga duqeyntu ay dhacday ayaa si buuxda ugu beegan halka lagu dilay Caaqil Cumar Cabdillaahi, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolka Sanaag.
AFRICOM ayaa sheegay in uu bartilmaameedsaday shaqsi ka mid ahaa ganacsatada hubka ee kooxda Al-Shabaab, taas oo dhab ahaanshaheeda ay si adag u diideen maamulka gobolka Sanaag oo la hadlay warbaahinta.
Ehellada Caaqilka ayaa horey u sheegay in uusan wax xiriir ah la laheyn kooxaha argagixisada, iyagoo dalbaday in loo caddeeyo sababta loo beegsaday caaqilka.
Dhacdadani waxay dhalisay isweydiin badan oo ku saabsan sababta gaariga caaqilka loo bartilmaameedsaday, maadaama mas’uuliyiinta amniga deegaanka iyo ehelkiisa ay sheegeen in uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

