Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa shaacisay inay hadda ku jirto marxaladda dhismaha saldhiggeeda hawada sare ee Soomaaliya.
Madaxa tiknoolajiyadda ee shirkadda Baykar, Selçuk Bayraktar ayaa sheegay in tani noqon doonto fursad cusub oo labada dal u furaysa bog cusub oo ku saabsan tiknoolajiyada cirka iyo hawada sare.
Selçuk ayaa sheegay in saldhigan ay si wadajir ah u isticmaali doonaan shirkadaha Roketsan iyo Fergani Space, kuwaas oo haatan qorsheynaya in gantaalladooda iyo aaladaha lagu raro dayax-gacmeedyada ay ka bilaabaan Soomaaliya, si ay si madax-bannaan u gaaraan hawada sare.
“Turkigu wuxuu Soomaaliya ka dhisanayaa garoon hawada sare oo ku yaal meel u dhow Dhulbaraha (Equator-ka). Haddii aad leedahay xeeb ku fidsan badweyn, waxaad samayn kartaa meel laga gano dayax gacmeedka,” ayuu yiri Bayraktar ka hadlayay madasha Take Off İstanbul.
Soomaaliya ayuu ku tilmaamay meesha ugu wanaagsan ee laga gani karo dayax-gacmeed. “Adduunka waxaa jira 12 goobood oo noocaas ah. Mid kaliya ayaa haray, midka ugu wanaagsanina waa kan Soomaaliya laga hirgelinayo. Dowladda Turkiga ayaa halkaas ka bilowday dhismaha,” ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu sheegay in saldhiga hawada sare ee Soomaaliya uu cabirkiisu dhan yahay 30×30 kiiloomitir oo saldhig hawada sare ah.
“Mustaqbalka, waxaan hiigsaneynaa in aan halkaas ka hawlgelinno gantaalladeenna aan iskeena u soo saarnay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Bayraktar.
Si kastaba, mashruucan ayaa loo arkaa mid horumar weyn u keenaya iskaashiga Ankara iyo Muqdisho, kana dhigaya Soomaaliya mid kamid ah dalalka Afrika ee leh xarun casri ah oo lagu diyaariyo, lagana gano dayax-gacmeedyada.

