28.6 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Eritrea oo ka baxday urur goboleedka IGAD + Sababta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Asmara (Caasimada Online) — Dowladda Eritrea ayaa maanta shaaca ka qaadday inay qoraal rasmi ah u dirtay Urur-goboleedka IGAD, kaas oo ay ku ogeysiinayso inay gebi ahaanba ka baxday xubinimadii ururkaas.  

Xukuumadda Asmara ayaa ku eedeysay ururka inuu ka tallaabsaday awoodihiisii sharci, isla markaana uu ku guuldareystay inuu wax la taaban karo u qabto dalalka xubnaha ka ah. 

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea, oo ku tariikhaysan 12-ka Disembar, ayaa lagu sheegay in IGAD ay “lumisay sharciyaddii iyo awooddii ay lahayd,” isla markaana aysan jirin “dan istiraatiiji ah oo la fahmi karo” oo ugu jirta ka sii mid ahaanshaheeda.

Eritrea waxay ku doodday in ururku uu marar badan ka gaabiyay waajibaadkiisii aas-aasiga ahaa iyo shuruucdii u degnayd, taas oo wiiqday jiritaankiisa iyo macnaha uu ugu fadhiyo gobolka.

Ilaa iyo hadda, Urur-goboleedka IGAD wax war ah kama soo saarin go’aankan culus ee kasoo yeeray dowladda Eritrea.

Khilaaf soo jiitamay oo dib u curtay 

Eritrea ayaa go’aankan ku tilmaamtay mid ka dhashay khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeyay iyada iyo ururka.

Wasaaradda ayaa xustay in Eritrea ay door “udub-dhexaad ah” ku lahayd dib-u-yagleelidii IGAD sanadkii 1993-kii, iyadoo kala shaqeysay dalalka kale ee gobolka sidii ururka looga dhigi lahaa mid ka shaqeeya nabadda, xasiloonida, iyo is-dhexgalka dhaqaale.

Hase yeeshee, bayaanka ayaa lagu xusay in dhabbihii ururku isbeddelay, gaar ahaan wixii ka dambeeyay sanadkii 2005-tii.

Eritrea waxay ku eedeysay IGAD inaysan kaliya ku fashilmin inay ka jawaabto yididiilada iyo himilooyinka shacabka gobolka, balse ay isu beddeshay “qalab waxyeello leh oo loo adeegsado waddamada xubnaha ka ah qaarkood, gaar ahaan Eritrea.”

Tallaabooyinkaas ayaa sababay in Asmara ay hakiso xubinimadeeda bishii Abriil ee sanadkii 2007-dii, sida lagu sheegay bayaanka.

Eritrea ayaa sheegtay inay dib u soo celisay xubinimadeeda bishii Juun 2023, iyadoo rajo ka qabta in ururku uu dhegaysan doono baaqa ku aaddan isbeddelka, uuna “saxi doono khaladaadkii hore.”

Beddelkeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in IGAD ay sii wadday inay “ka baxdo ballamaha iyo waajibaadka sharciga ah,” dhaqankaas oo lagu tilmaamay mid aan waafaqsanayn ujeeddooyinkii lagu aas-aasay ururka iyo awooddiisa sharci.

Eritrea ma aysan faahfaahin go’aannada gaarka ah ee ay u aragto inay hareer-marsan yihiin sharciga, balse waxay go’aankeeda ku qeexday mid kama dambays ah, maadaama ay u aragto in ururku ka leexday dhabbihii loogu talagalay.

Si kastaba waxaa la rumeysan yahay in go’aanka Eritrea uu la xiriiro khilaafka kala dhaxeeya Itoobiya, oo loo arko in ay awood gaar ah ku leedahay ururka.

Ka bixitaanka Eritrea ayaa soo koobaya marinnada diblamaasiyadeed ee rasmiga ah ee gobolka, xilli IGAD ay isku dayaysay inay noqoto madal lagu xalliyo khilaafaadka amniga, siyaasadda iyo dhibaatooyinka xuduudaha ee inta badan ka jira Geeska Afrika.

Eritrea ma aysan sheegin inay albaabka u furi doonto wadahadal ama inay dib ugu soo laaban doonto ururka mustaqbalka, sidii dhacday markii hore.   

- Advertisement -

Read more

Local News