28.9 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo lagu laayay duqeyn ka dhacday…

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo is-daba joog ah iyo howlgallo culus oo saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay aagga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, laguna beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo si gaar ay uga dhacday deegaanka Kabsuuma iyo tuulooyin dhaca waqooyiga Kismaayo ayaa lagu laayay xubnihii ugu badnaa ee Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in weeraradan lagu dilay ku dhawaad 60 xubnood iyo horjoogayaashii la socday.

Sidoo kale, waxa ay intaasi ku darin in howlgallada ay sii wadi doonaan, isla markaana ujeedka uu yahay in maleeshiyaada Khawaarijta laga xoreeyo dhammaan deegaannadaas.

Dhinaca kale, war kooban oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa waxaa looga hadlay duqeyn ay 14-kii bishan diyaaradahooda ka fuliyeen meel qiyaastii 30 KM waqooyi ka xigta Kismaayo, laguna beegsaday maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

AFRICOM ma shaacin tirada maleeshiyaada Al-Shabaab ee lagu dilay duqeynta, marka laga tego in au ku beegsadeen kooxda Al-Shabaab. Mareykanka ayaa horraantii sanadkan joojiyay baahinta xogaha khasaaraha iyo qiimeynta waxyeellada gaartay dadka rayidka ah.

“Faah-faahin ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono, si loo ilaaliyo ammaanka howlgallada socda” ayay AFRICOM ku tiri qoraalka ay soo saartay.

Gobollada Jubbooyinka oo ay si aad ah ugu xoogan tahay argagixisada ayaa waxaa badanaa ka dhaca howlgallo culus oo lagu beegsado saldhigyada kooxda ee gobolladaas.

- Advertisement -

Read more

Local News