Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa si adag u dhaliilay jihada ay dowladda federaalka hadda ku waddo arrimaha doorashada, isagoo ka digay halista firaaq dastuuri ah iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo dalka soo wajihi karta bilaha soo socda.
Kheyre ayaa si xisaabeysan u tilmaamay in saddex sano iyo toddoba bilood laga joogo doorashadii madaxweynaha Soomaaliya, halka shan bilood oo keliya ay ka harsan tahay muddadii dastuurku u asteeyay in la qabto doorashada xigta. Wuxuu intaas ku daray in Baarlamaanka Federaalka ay u harsan tahay oo keliya afar bilood, taasoo muujinaysa, sida uu sheegay, in dalka uu ku jiro waqti xasaasi ah oo u baahan heshiis siyaasadeed oo degdeg ah.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka in ay laaleen dastuurkii iyaga lagu doortay, isla markaana ay ku dhaqaaqeen qorsheyaal doorasho oo aysan dadka Soomaaliyeed ku heshiin, kana tarjumaya dano gaar ah. Wuxuu sheegay in weli uusan jirin is-afgarad qaran oo ku saabsan waqtiga, nooca iyo hanaanka doorashada, inkastoo ay dhammaanayso muddada sharciga ah ee hay’adaha dowladda.
Kheyre ayaa qorshaha dowladda ee doorashooyinka ku tilmaamay “doorasho dhalanteed ah” oo si khasab ah loogu wado magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dadweynaha lagu diiwaangeliyey cabsi, qafaal iyo qori caaradiis. Wuxuu intaas ku daray in hadda la baadi-goobayo dadkii sida qasabka ah loogu diiwaangeliyey doorashadaas, isla markaana jaamacadaha dalka lagu cadaadinayo in xarumahooda lagu qabto hannaan doorasho oo aysan raalli ka ahayn.
Inkasta oo uu qiray in doorasho qof iyo cod ah ay tahay hiigsi qaran iyo xuquuq dastuuri ah, haddana Kheyre wuxuu carrabka ku adkeeyay in xaaladda hadda jirta aysan suurto-gelin karin hirgelinta doorasho noocaas ah. Wuxuu sheegay in waqtiga yar ee ka haray muddada dowladda, maqnaanshaha heshiis siyaasadeed, sharciyad la’aanta guddiyada doorashada, iyo amni darrada ka jirta deegaanno badan oo ay weli ka taliyaan Al-Shabaab ay caqabad weyn ku yihiin qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah.
Sidoo kale, Kheyre ayaa ku eedeeyay dowladda inay ku guuldareysatay diyaarinta shuruudaha iyo hawlaha aasaasiga ah ee u baahan doorasho hufan, isagoo tusaale u soo qaatay in nidaamka doorashada lagu koobay hal xisbi oo ay leeyihiin madaxda hadda talada haysa. Wuxuu sheegay in xisbigaas uu xitaa ku fashilmay in uu dhexdiisa ka hirgeliyo caddaalad, taasoo muujinaysa, sida uu sheegay, karti la’aan iyo hufnaan darro guud.
Kheyre ayaa guddiga doorashooyinka ku tilmaamay mid lagu dhisay hannaan aan sax ahayn, isla markaana ay soo xusheen madaxda dowladda si ay ugu fuliyaan doorasho ay iyagu rabaan.
Wuxuu xusay in shirkadaha ka shaqeeya maamulka doorashooyinka ay xiriir dhow la leeyihiin isla xisbigaas, halka dhaqaalaha lagu maamulayo geeddi-socodka doorashadana uusan ku caddayn miisaaniyadda sanadlaha ah, taas oo keentay in ururro siyaasadeed oo isdiiwaangeliyey ay ka baxeen tartanka doorashada, iyagoo ka cabanaya faragelin iyo hufnaan la’aan.
Ugu dambayn, Xasan Cali Kheyre ayaa ka digay in qorshaha doorashada qof iyo cod ah ee ay dowladda waddo uu noqon karo xeelad muddo-kororsi.
Wuxuu ugu baaqay saamileyda siyaasadda in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan badbaadinta dalka, lana hirgeliyo doorasho loo dhan yahay, waqtigeeda ku dhacda, kana hufan tii 2022, si looga fogaado firaaq dastuuri ah iyo qalalaase siyaasadeed.
Xigasho: Dawan TV

