26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Khaladaadka ay sameeyeen mucaaradka ee shirkii Kismaayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo, oo ah xarunta maamulka Jubaland, waxaa xalay lagu soo gunaanaday shir muddo saddex maalmood ah halkaas uga socday mucaarad, oo ka koobnaa xubnaha Madasha Samatabixinta iyo maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo markii dambe isku magacaabay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Shirka, oo dhinacyadu doodo iyo kulamo adag yeesheen, ayaa lagu soo saaray war-murtiyeed ka kooban 13 qodob, oo soo jeedin, baaq iyo digniino isugu jira.

Qodobbada ugu waaweyn, oo kala ahaa qodobka 3-aad, 4-aad, 5-aad, 6-aad iyo 7-aad, ayaa looga hadlay xaaladda dalka, doorashooyinka soo socda iyo digniin loo diray dowladda.

Dadka la socday shirkii Kismaayo ayaa qaba in qodobka 6-aad iyo 7-aad ay yihiin kuwa ugu miisaanka culus ee ku jiray war-murtiyeedka mucaaradka.

Qodobka 6-aad ayaa u dhignaa: “In Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loogu baaqay inuu muddo bil gudaheed ah, oo ku eg 20-ka Janaayo 2026, isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee dalka, si looga heshiiyo doorashada xilligeeda ku dhacda, oo waafaqsan mabaadi’da ku xusan.”

Sida uu qabo Maxamed Mukhtaar, oo falanqeeye arrimaha Soomaaliya ah, ayaa BBC-da u sheegay in marka hore laga arki karo in mucaaradku yeesheen shir ay ku mideysan yihiin dhinacyadii kala duwanaa, taas oo ahayd tallaabo wanaagsan, balse uu xusay in qodobbada qaar ee war-murtiyeedka ay mugdi badan ku gadaaman yihiin.

“Inay muddeeyaan waqtigaas in la yeesho wadahadallo, haddii uu dhici waayo ama jiitamo maxaa dhici kara? Haddii madaxweynuhu aqbalo baaqooda oo waqtigu sii jiitamo, sidii kuwii hore, iyana ma cadda waxay yeelayaan. Haddii qaar ka mid ah ay aqbalaan wadahadallada, sidii hore ugu dhacday Madashii Samatabixinta, iyana ma cadda. Waxyaabahaas oo dhan mid walba wado gooni ah ayuu leeyahay,” ayuu yiri falanqeeye Maxamed Mukhtaar.

Wuxuu intaa raaciyay in weli fursad jirto, maaddaama mucaaradku dalbanayaan in wadahadallo laga yeesho xaaladda dalka, loogana baahan yahay dowladda inay dhankeeda sii xoojiso wadahadallada siyaasadeed ee dhinacyada dalka, si xal looga gaaro doorashada.

“Inaan fursaddan la lumin, oo madaxweynaha iyo dhinacyadu wada fariistaan, oo ay dadka Soomaaliyeed u dhabeeyaan xilligan kala guurka, in qabyaaladda la weyneyn ee midnimada qaranka la weyneeyo, oo wada fariistaan,” ayuu intaas raaciyay Mukhtaar.

Dhankiisa, Dr. Cabdiweli Maxamuud Gurey, oo ah falanqeeye arrimaha Soomaaliya ah, ayaa sheegay inay ula muuqato in xaaladdu, haddii aan xal siyaasadeed la gaarin, jahwareer ku keeni karto dalka. Isagoo xiganaya qodobbada mucaaradka, ayuu xusay inay yihiin kuwo adag oo shuruudaysan.

“Waxa ugu wanaagsan, kaliya, waxaan aaminsanahay in Soomaali la isugu yeero, laga wadahadlo waxa jira iyo waxa lagu kala tagay. Haddii dhanka dowladda ku eedeynayaan doorasho dhinac ka raran, iyaguna siday sheegeen inay qabtaan doorasho dhinac ka raran, markaa waxaa mooddaa mid aan macquul ahayn. Labada dhinacba waxaa looga baahan yahay inay tanaasul muujiyaan. Waxaan aaminsanahay in laysku yimaado inay dadka iyo dalkaba dan u tahay,” ayuu yiri Dr. Gurey.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dalka ka qabanayso doorasho ka duwan tii hore dalka uga dhici jirtay ee ahayd mid dadban, taas oo ay sheegtay inay ku beddelayso doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku ay ku doodayaan inaanay dalka ka dhici karin doorasho noocaas ah, iyagoo ku sababeeyay inaysan dowladdu haysan waqti ku filan, isla markaana aan heshiis laga gaarin.

Doorashada qof iyo cod ee ay dowladdu ku adkaysanayso in dalka ka dhacdo, oo hordhac u ah, ayaa toddobaadkan la filayaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho, maalinta Khamiista.

Sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka, dadka Muqdisho ayaa codkooda dhiiban doona 25-ka bishan, si ay u soo doortaan golayaasha deegaanka ee 16-ka degmo ee magaalada Muqdisho.

Mucaaradka Soomaaliya ayaa qaadacay doorashadaas, iyagoo ku tilmaamay mid ay dowladdu dano gaar ah ka leedahay, balse Muqdisho waxaa laga arkayaa astaamo muujinaya ururrada isdiiwaangeliyay doorashada, kuwaas oo olole ka wada magaalada.

- Advertisement -

Read more

Local News