32.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xogta duqeyn culus oo ka dhacday duleedka Warsheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Warsheekh (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaanno hoostaga degmada Warsheekh oo ay soo gaareen Al-Shabaab.

Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa si gaar ah uga dhacday aagga deegaanka Jabad-godane oo maalmihii u dambeeyay ay soo buux dhaafiyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo soo galay tuulooyinka hoostaga Warsheekh.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in duqeynta kahor ay halkaas ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab, kadibna dagaalka ay sidaas ugu biireen diyaaradaha saaxibada caalamiga ah oo beegsaday difaacyo iyo godad waa wayn oo maleeshiyaadu ka qoteen halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay hareereeyeen deegaanka Jabad-godane, iyaga oo qorsheynayo inay gudaha u galaan deegaankaasi, kana saaraan xubnaha Khawaarijta.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo duqeynta culus ee xigtay, waxaana weli xaaladda ay tahay mid aad u kacsan.

Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka taagan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab oo horay u qabsaday deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi.

Guud ahaan HirShabelle ayaa waxaa muddooyinkan dambe ka jiray xaalado ammaan darro oo baahsan, waxaana culeys soo saartay kooxda Al-Shabaab oo dib u qabsatay inta badan deegaanadii horay looga saaray.

- Advertisement -

Read more

Local News