26.5 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

DF oo guul wan ka gaartay howlgalka Seefta Qarsoon

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa lagu faah-faahiyay howgal culus oo todobaad qaatay, kaas oo laga fuliyay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Marka.

Howlgalkan oo loog magac daray ‘Seefta Qarsoon’ ayaa waxaa si wadajir ah u qaaday Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa NISA oo isku furay deegaanno muhiim ah isku xira labada magaalo, isla markaana dhaca xeebta.

Ciidamada ayaa si buuxda ula wareegay deegaano ay kamid yihiin Galsaliimow, Ceel-saliini, Galka-Jimcooy, Diira-fuul, Jabadi-Eeri, Ismagurey, Xalambe, Garas iyo Gawan.

Sidoo kae waxa ay gudaha u galeen magaalada istiraatiijiga ah ee Dhanaane oo uu hadda ka scodo howlgal amni xaqiijin ah, sida lagu sheegay bayaanka.

Waxaa kale oo ciidamada looga mahadceliyay doorkoodii sugidda amniga doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Guulahan is-daba-joogga ah waxay caddeyn u yihiin adkaysiga, feejignaanta, iyo naf-hurnimada Ciidamada Qaranka, iyo sida ay uga go’an tahay difaaca shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran:-

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa guulo muhiim ah ka gaaray howlgallada lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ka socda gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Nabad-sugidda Qaranka (NISA), ayaa guulo la taaban karo ka soo hooyay howlgalka “Seefta qorsoon”, kaas oo socday muddo toddobaad ah, lana fuliyay deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Marka.

Intii uu howlgalka socday, waxaa laga xoreeyay maleeshiyaadka cadowga ah deegaanno muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

Galsaliimow, Ceel-saliini, Galka-Jimcooy, Diira-fuul, Jabadi-Eeri, Ismagurey, Xalambe, Garas, iyo Gawan.

Sidoo kale, Ciidamada Qaranka ayaa si buuxda u galay magaalada istiraatiijiga ah ee Dhanaane, halka ay marayaan wejigii ugu dambeeyay ee sugidda amniga magaalada Gandarshe, oo ay haatan wax ka yar 500 mitir u jiraan.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa Ciidamada Qalabka Sida doorkii mugga lahaa ee ay ka qaateen xaqiijinta amniga doorashadii taariikhiga ahayd ee ka dhacday magaalada Muqdisho 25-kii Diseembar 2025, taas oo si nabad ah ku qabsoontay markii ugu horreysay muddo ku dhow 60 sano.

Guulahan is-daba-joogga ah waxay caddeyn u yihiin adkaysiga, feejignaanta, iyo naf-hurnimada Ciidamada Qaranka, iyo sida ay uga go’an tahay difaaca shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalku waxay mar kale xaqiijinaysaa in dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka argagixisada uusan istaagi doonin illaa laga xaqiijiyo amni buuxa iyo xasillooni waarta guud ahaan dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News