26.5 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

Golaha Ammaanka QM oo kulan deg deg ah ka yeelanaya aqoonsiga Israel ee Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalinta Isniinta yeelanaya kulan degdeg ah, kaddib go’aankii Israa’iil ay ugu aqoonsatay gobolka Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda diblomaasiyadeed ay cirka isku shareertay, maalmo un ka hor inta aysan Soomaaliya si rasmi ah ula wareegin madaxtinimada wareegta ee Golaha. 

Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa Sabtidii xaqiijiyay qabsoomidda kulanka, isagoo sheegay in diiradda lagu saari doono cawaaqibka siyaasadeed ee tallaabadan, taas oo dhelisay cambaareyn kulul oo uga timid Muqdisho iyo quwadaha gobolka ee muhiimka ah.

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu yeelan doonaa kulan degdeg ah Isniinta, kaddib aqoonsigii Israa’iil ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu Danon ku soo qoray bartiisa X.

“Kama gaban doonno doodaha siyaasadeed. Israa’iil waxay sii wadi doontaa inay u dhaqanto si mas’uuliyad iyo taxadar leh, si loo xoojiyo iskaashiga aan la leenahay saaxiibada gacan ka geysta xasilloonida gobolka.”

Kulankan degdegga ah ayaa khilaafka si toos ah u hor dhigaya hay’adda ugu sarreysa diblomaasiyadda adduunka, halkaas oo la filayo in Soomaaliya ay si adag uga hortagto tallaabada Israa’iil, isla markaana ay dalbato in dib loo xaqiijiyo qaraarada soo jireenka ah ee Qaramada Midoobay ee dhowraya midnimada dhuleed ee dalalka.

Waqti xasaasi ah 

Xilliga kulankani kusoo beegmay ayaa ah mid xasaasi ah. 1-da Janaayo 2026, Soomaaliya ayaa la wareegi doonta madaxtinimada wareegta ee Golaha Ammaanka muddo bil ah.

Doorkan ayaa Muqdisho siinaya awood dhanka hab-raaca ah oo ay ku maamusho kulamada, ajendayaasha, iyo bayaannada, taas oo u sahlaysa inay arrintan ka dhigto mid safka hore kaga jirta doodaha caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu yahay “waxba kama jiraan” (null and void), iyadoo ku adkeysaneysa in gobolkaasi uu yahay qayb aan ka go’i karin dalka Soomaaliya. 

Saraakiisha Muqdisho ayaa ku doodaya in tallaabadani ay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah, isla markaana ay halis gelineyso xasilloonida Geeska Afrika iyo marinka muhiimka ah ee Badda Cas.

Dhowr dal oo Carbeed iyo Afrikaan ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ku celceliyay mowqifkaas, iyagoo ka digay in aqoonsiga gobollada gooni-u-goosadka ah uu khatar ku yahay nidaamka sharci ee xuduudaha Afrika ee gumeysiga kaddib.

Doodda soo socota ayaa la filayaa inay banaanka soo dhigto kala-aragti duwanaansho ka dhex jirta Golaha. Halka dalalka Reer Galbeedku ay inta badan xoogga saaraan xiriirrada ku dhisan danaha, wakiillada Afrika iyo Carabta ayaa u badan inay ku adkeystaan ilaalinta xuduudaha dhaxalka ah si looga hortago in qaaradda ay ka dillaacaan mowjado gooni-goosad ah.

Soomaaliya, kulankan degdegga ah wuxuu u yahay caqabad iyo fursad istiraatiiji ah labadaba. Diblomaasiyiinta ayaa sheegaya in Muqdisho ay u badan tahay inay riixdo bayaan mideysan oo lagu xaqiijinayo madax-bannaanideeda, iyadoo ka faa’iideysanaysa madaxtinimadeeda dhow si ay u hesho taageero caalami ah.

Inkastoo aan la ogeyn in kulanku uu kasoo bixi doono qaraar rasmi ah, haddana fadhigani wuxuu iftiiminayaa sida aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu si degdeg ah isaga beddelay heshiis laba geesood ah, una noqday imtixaan dhab ah oo la hor dhigay diblomaasiyadda caalamiga ah ee heerka ugu sarreeya.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News