26.5 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

Dalab ka yimid mucaaradka oo fashiliyey kulankii ay Xasan la yeesheen ee midnimada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xalay Madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta ayaa ku dhammaaday isfaham la’aan, kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh diiday in wax siyaasadda arrimaha gudaha ah laga hadlo.

Kulankan waxaa isugu yeeray madaxweynaha kaddib go’aankii ay Israa’iil ku sheegtay Jimcihii inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan, arrintaas oo diidmo iyo carro xooggan ka abuurtay caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa siyaasiyiinta uu la kulmay u sheegay in qodobadii ay Kismaayo ka soo saareen ay jawaabtiisa helayaan ka hor 20-ka Janaayo 2026, sida ay dalbadeen. Hase yeeshee, wuxuu adkeeyay in arrimaha soo kordhay si gooni ah garab loogu istaago, oo meel la dhigo siyaasadda gudaha, maadaama halis ay soo wajahday dalka.

Hase yeeshee, xubnaha Madasha ayaa taas diiday, waxayna Madaxweynaha u soo jeediyeen in la gaaro heshiis siyaasadda gudaha ah, oo dalka uu u furo “baal cusub” oo lagaga baxo dhammaan galalka lagu kala aragti duwanaa ee kala qaybiyay dalka.

Waxay u soo jeediyeen inuu si rasmi ah uga laabto wax-ka-beddelladii uu ku sameeyay dastuurka, ka laabto doorashada ay ku tilmaameen “hal dhinac ah”, kuna dhawaaqo shir qaran oo loo dhan yahay.

Madaxweynaha ayaa ku adkaystay go’aamadiisii hore, wuxuuna sheegay in aan siyaasad lagala hadli karin kulanka, isla markaana aan la joogin xaalad siyaasadeed oo dood loo furo, taasoo keentay in aan waxba la isku raacin.

Aqoonsiga Israa’iil ee 26-kii Disembar — oo noqday kii ugu horreeyay ee uu sameeyo dal xubin ka ah Qaramada Midoobay — ayaa dhaliyay cambaareyn degdeg ah oo uga timid Soomaaliya, taas oo tallaabadaas ku tilmaantay sharci-darro iyo waxba kama jiraan. Soomaaliya waxay wacad ku martay inay aqoonsigaas kula dagaallami doonto waddooyin diblomaasiyadeed iyo kuwo sharci ah.

Falcelinta arrintan ayaa si degdeg ah ugu fiday ururrada gobolka iyo caasimadaha muhiimka ah. Midowga Afrika ayaa si cad u diiday aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland, isagoo ka digay in tani ay noqon karto raad cusub oo xasillooni-darro gelin kara nidaamka xuduudaha qaaradda.

Falcelinta Carabta iyo Khaliijka ayaa iyana noqotay mid adag. Sacuudi Carabiya iyo Qatar ayaa si xooggan u diiday go’aanka Israa’iil, iyagoo ku biiray dhinacyada kale ee gobolka ee taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, isla markaana samaysatay hay’ado dowladeed iyo ciidamo u gaar ah, ayaa muddo dheer raadinaysay aqoonsi caalami ah. Hase yeeshee, waxay ku jirtay xaalad hubanti la’aan ah dhanka diblomaasiyadda.

Go’aanka Israa’iil ayaa Hargeysa looga dabaal-degay inuu yahay guul weyn oo waddada u furi karta sharciyad ballaaran iyo maalgashi shisheeye, inkastoo iska-caabbinta gobolka ay weli xooggan tahay.

- Advertisement -

Read more

Local News