Arusha (Caasimada Online) – Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ka gaabsatay inay si toos ah u cambaarayso Israa’iil oo Jimcihii ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland ayaa sheegtay inay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tahay hal dal oo madax-bannaan.
Bayaan kasoo baxay EAC ayaa lagu xusay in dhulka Soomaaliya aan la kala qaybin karin, uuna kuna salaysan yahay xuduudihii ay ku dhaxashay xilligii xornimada.
“Bulshada Bariga Afrika (EAC) waxay mar kale xaqiijisay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale, ururku wuxuu mowqifkiisa la jaanqaadiyay Axdiga Midowga Afrika iyo go’aannada khuseeya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
EAC ayaa sida muuqata ku ekaatay baaq guud oo ku saabsan ixtiraamka shuruucda goboleed iyo kuwa caalami ah ee la xiriira madax-bannaanida iyo midnimada dalalka, iyadoo si toos ah u cambaareyn Israa’iil oo ayadu sheegtay inay aqoonsatay Somaliland.
Hoos ka aqriso bayaanka EAC:
Bulshada Bariga Afrika (EAC) waxay mar kale xaqiijisay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Bulshada Bariga Afrika (EAC) waxay u aqoonsan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inay tahay hal dowlad oo madax-bannaan, kana hoos shaqeysa awoodda iyo maamulka Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Bulshada Bariga Afrika (EAC) waxay sidoo kale la jaanqaadaysaa mowqifka Midowga Afrika, sida ku cad Axdiga Aasaaska Midowga Afrika iyo go’aannada khuseeya madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Iyadoo la raacayo Heshiiska Aasaaska Bulshada Bariga Afrika, EAC waxay u aqoonsan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xuduudaheeda ay dhaxashay xilligii ay xornimada qaadatay.
Bulshada Bariga Afrika (EAC) waxay ugu baaqaysaa in la ixtiraamo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna ku boorrinaysaa dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay ku dhaqmaan nidaamyada sharciyeed ee heer gobol iyo heer caalami ee la xiriira madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha.

