27 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Israa’iil oo ka falcelisay kulanka Golaha Ammaanka QM ee xaaladda Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) – Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Israa’iil Danny Danon, ayaa ka hadlay kulanka maanta la filayo in Golaha Ammaanku ka yeesho arrinta ku saabsan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Gelinka dambe ee maanta oo Isniin ah ayaa goluhu isugu imaanayaa kulan degdeg ah, kaddib markii Israa’iil ay Jimcihii aqoonsatay Somaliland.

Kulanka waxaa codsaday dowladda federaalka Soomaaliya oo si weyn uga hortimid xadgudubka uu kula kacay Ra’iisul wasaare Netanyahu, waxaana la filayaa in go’aanno ka soo baxaan.

Danny Danon oo bartiisa X, ku baahiyay qoraal kooban ayaa yiri: „Kama gamban doonno go’aannada siyaasadeed”.

“Israa’iil waxay sii wadi doontaa inay u dhaqanto si masuuliyad iyo taxaddar leh, si loo xoojiyo iskaashiga ay la leedahay saaxiibbada ka qayb qaata xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Danny Danon.

Xilliga kulankani kusoo beegmay ayaa ah mid xasaasi ah. 1-da Janaayo 2026, Soomaaliya ayaa la wareegi doonta madaxtinimada wareegta ee Golaha Ammaanka muddo bil ah.

Doorkan ayaa Muqdisho siinaya awood dhanka hab-raaca ah oo ay ku maamusho kulamada, ajendayaasha, iyo bayaannada, taas oo u sahlaysa inay arrintan ka dhigto mid safka hore kaga jirta doodaha caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu yahay “waxba kama jiraan” (null and void), iyadoo ku adkeysaneysa in gobolkaasi uu yahay qayb aan ka go’i karin dalka Soomaaliya. 

Si kastaba, Soomaaliya kulankan deg-degga ah wuxuu u yahay caqabad iyo fursad istiraatiiji ah labadaba. Diblomaasiyiinta ayaa sheegaya in Muqdisho ay u badan tahay inay riixdo bayaan mideysan oo lagu xaqiijinayo madax-bannaanideeda, iyadoo ka faa’iideysanaysa madaxtinimadeeda dhow si ay u hesho taageero caalami ah.

Inkastoo aan la ogeyn in kulanku uu kasoo bixi doono qaraar rasmi ah, haddana fadhigani wuxuu iftiiminayaa sida aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu si degdeg ah isaga beddelay heshiis laba geesood ah, una noqday imtixaan dhab ah oo la hor dhigay diblomaasiyadda caalamiga ah ee heerka ugu sarreeya.

- Advertisement -

Read more

Local News