26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo yeeshay kulan xasaasi ah + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay wada-tashiga iyo isku-duwidda dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxay si wadajir ay u adkeeyeeb muhiimadda ay leedahay mowqifta dalalka walaalaha iyo saaxiibka ah ee ka soo horjeestay kala qeybinta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti doorka walaaltinimo iyo hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan garab-istaagga Soomaaliya, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada-tashiga diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka iyo mabaa’diida aasaasiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celisay go’aankeeda adag ee ah ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka, iyadoo ku kalsoon garab-istaagga iyo wadajirka dalalka gobolka.

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland oo noqday kii ugu horreeyay ee uu sameeyo dal xubin ka ah Qaramada Midoobay, ayaa dhaliyay cambaareyn degdeg ah oo uga timid Soomaaliya.

Tallaabadaas ayay dowladda ku tilmaantay sharci-darro iyo waxba kama jiraan, waxayna wacad ku martay inay kula dagaallami doonto waddooyin diblomaasiyadeed iyo kuwo sharci ah.

Falcelinta arrintan ayaa si degdeg ah ugu fiday ururada gobolka iyo caasimadaha muhiimka ah, iyadoo si adag looga soo horyimid go’aankan xad-gudubka ku ah midnimada Soomaaliya ee ku kacday Israa’iil.

- Advertisement -

Read more

Local News