Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaranka oo kulamo xiriir ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka ayaa soo saaray war-murtiyeed lagu adkaynayo mowqifka dowladda ee ku aaddan ilaalinta midnimada dalka.
Goluhu wuxuu si buuxda u diiday, kuna gacan sayray tallaabada sharci-darrada ah ee ay qaadday Israa’iil ee ku saabsan sheegashada aqoonsiga Somaliland, taas oo uu sheegay inay tahay xadgudub cad oo ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida dalka, isla markaana halis ku ah nabadgelyada gobolka.
“Goluhu wuxuu si cad u adkeeyey mowqifka lama taabtaanka ah ee Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka, sida ay dammaanad qaadeen Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Aasaaska Midowga Afrika,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo qaran, wacyi iyo isu-taag, kana hortagaan fal kasta ama hadal kasta oo wax u dhimaya wadajirka, nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.
Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran:
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlay arrimo qaran oo mudnaan gaar ah u leh jiritaanka, midnimada, amniga iyo mustaqbalka dalka.
Shirka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweynaha Waqooyi Bari Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Qodobada Shirka:
1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Golaha siiyey warbixin ku saabsan dadaallada Dowladda ee la xiriira difaaca qaranimada, madax-bannaanida iyo midnimada dalka, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dhammaan hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga soo horjeestaan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa jiritaanka Qaranka.
2. Goluhu wuxuu mar kale si cad u adkeeyey mowqifka lama taabtaanka ah ee Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Qaranka, sida ay dammaanad qaadeen Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Aasaaska Midowga Afrika.
3. Goluhu wuxuu si buuxda u diiday kuna gacan sayray tallaabada sharci-darrada ah ee ay qaadday Israa’iil ee ku saabsan sheegashada aqoonsi loogu fidinayo qayb ka mid ah gobollada waqooyi ee Soomaaliya, taas oo ah xadgudub cad oo ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida dalka, isla markaana halis ku ah nabadgelyada gobolka, Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Bariga Dhexe.
4. Goluhu wuxuu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo qaran, wacyi iyo isu-taag, kana hortagaan fal kasta ama hadal kasta oo wax u dhimaya wadajirka, nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.
5. Goluhu wuxuu bogaadiyey qabsoomidda doorashadii taariikhiga ahayd ee Golayaasha Deegaanka Gobolka Banaadir ee 25-kii Diseembar, taas oo astaan u ah horumar siyaasadeed, dimuqraadiyeyn dhab ah, iyo awoodda oo si tartiib tartiib ah loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed.
6. Goluhu wuxuu adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee Dowlad-goboleedyada, maadaama ay saldhig u yihiin xasiloonida siyaasadeed, dowlad-wanaagga iyo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda ah ee dalka.
7. Goluhu wuxuu isku raacay in la xoojiyo lana dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta si dalka looga ciribtiro argagixisada, loona xaqiijiyo amniga, xasiloonida iyo badbaadada nolosha shacabka Soomaaliyeed.
8. Goluhu wuxuu si gaar ah u bogaadiyey guulaha ay Ciidamada Qaranka ka gaareen howlgalada ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan howlgalka “Seefta Aamusan”, oo lagu xoreeyey dhul ballaaran oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
9. Goluhu wuxuu si qoto dheer uga hadlay xaaladda abaaraha ee saameysay qaybo badan oo ka mid ah dalka, taas oo keentay barakac, cunno-yari iyo duruufo nololeed oo aad u adag.
10. Goluhu wuxuu adkeeyey in wax ka qabashada abaaraha ay tahay mas’uuliyad qaran, isla markaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso gurmad degdeg ah, adkeynta adeegyada bulshadda, maaraynta khayraadka biyaha, amniga cunnada, iyo xalal waara oo lagula tacaalayo saameynta isbeddelka cimilada.
11. Goluhu wuxuu ugu baaqay beesha caalamka, hay’adaha samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay xoojiyaan taageerada bani’aadantinimo iyo tan horumarineed si loo badbaadiyo nolosha dadka ay abaaruhu saameeyeen.
12. Ugu dambeyn, Goluhu wuxuu uu si wayn ugu mahad celiyey dowladaha aan walaalaha nahay, kuwa aan saaxiibka nahay iyo ururada caalamiga ah ee garab istaagay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaasna meel uga soo wada jeestay duullaanka gardarrada ah ee baal marsan shuruucda caalamiga ah ee lagula kacay qaranimada Soomaaliya.
— DHAMMAAD —

