26.1 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Erdogan oo door weyn ka ciyaaraya ka hortagga xad-gudubka Israa’iil ee Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa door weyn ka qaadanaya dagaalka diblumaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto difaaca midnimadeeda.

Madaxweyne Erdogan ayaa khadka telefonka kula hadlay Amiirka Kuwait, Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah, iyagoo labada hoggaamiye ay ka wada-hadleen arrimaha xiriirka laba-geesoodka ah iyo xaaladaha Soomaaliya, sida ay baahisay Madaxtooyada Turkiga.

Erdogan ayaa intii uu kulanka socday adkeeyay taageerada Soomaaliya ee midnimadeeda iyo xuduudaheeda, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay mudan tahay taageero dhab ah.

Waxa uu tusaale u soo qaatay go’aankii Israa’iil ee Jimcihii ay ku aqoonsatay Somaliland, taasoo muujinaysa qorshaha Israel ee lagu doonayo in lagu carqaladeeyo xasilloonida gobolka.

Erdogan ayaa sidoo kale ku baaqay in Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka laga taageero xasillooni siyaasadeed iyo horumar, isagoo tilmaamay sida ay taageerada caalamiga ah muhiim ugu tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo ka hortagga dadaallada lagu kala fogaynayo waddamada gobolka.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya. Dowladda ayaa wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil.

Sida lagu xusay qoraal ay faafisay mid ka mid ah wasaaradaha arrimaha dibadda ee saxiixay bayaanka, dalalkan ayaa ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Bayaankaas ayaa sidoo kale si adag u diiday tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumaysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii lasoo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda.

- Advertisement -

Read more

Local News