28.5 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Soomaaliya oo la safatay Sacuudiga kadib taageeradii ay siisay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bayaan culus soo saartay ayaa maanta caddeysay mowqifkeeda ku aadan qadiyadda dalka Yemen, iyada oo martay dhanka Boqortooyada Sacuudiga.

Dowladda Federaaalka oo xalay sii daysay bayaan ku qoran luqad adag oo dublumaasiyadeed ayaa waxa ay ku taageertay siyaasadda iyo hoggaaminta Boqortooyada Sucuudiga ee arrimaha dalka Yemen.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in ay adkaynayso midnimada, wadajirka dhuleed iyo sharciyadda dowladda Yemen.

Waxaa kale oo ay Dowladda Federaalka ku baaqday in la garab istaago dowladda iyo dadka Yemen oo ay quwado waa wayn isku hayaan, sida Sacuudiga iyo Isu Tegga Imaaraadka Carabta.

Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay mar weliba kasoo horjeedo isku-day kasta oo lagu farogelinayo arrimaha gudaha ee dalka Yemen.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa mowqif mabda’ leh oo ay ku taageerayso madaxbannaanida, midnimada, amniga, xasilloonida iyo amniga Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Yemen, waxayna si adag u diidaysaa isku day kasta ama faragelin kasta oo wiiqaya midnimada Yemen ama saameyn ku yeelan karta sharciyaddeeda dastuuriga ah iyo hay’adaha qaranka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Soomaaliya.

Dhinaca kale, dowladdu marnaba kuma soo hadal qaadin warkeeda dalka Imaaraadka Carabta oo ah cidda uu Sucuudigu gacanta ka qabanayo arrimaha dalka Yemen ee ay Soomaaliya ku ammaantay inuu ku socda go’aankiisa.

Si kastaba, arrintan ayaa waxaa lagu fasiran karaa heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka kala dhaxeeya dalka Isu Teggea Imaaraadka, kaas oo illaa iyo hadda aan ka hadlin xadgudubka Israa’iil u gaysatay madax banaanida Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News