26 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Itoobiya oo mar kale dib usoo nooleysay damacii badda kuna dhowaaqay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) — Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in dadaalka dalkiisa ee ku aaddan helitaanka marin-badeed toos ah uu yahay qadiyad qaran oo “jiilal ay isaga dambeeyaan,” taas oo qasab ay tahay inay mideyso muwaadiniinta iyadoo aan loo eegin kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gedion Timothewos, oo ka hadlayay fadhi su’aalo iyo jawaabo ah oo uu la lahaa baarlamanka, ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay “marin badeedka” ay salka ku hayso wax uu ugu yeeray qorshe istiraatiijiyadeed oo fog, islamarkaana Itoobiya ay ku raadin doonto waddo diblomaasiyadeed iyo is-afgarad nabadeed, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

“Shacabka oo dhan waa in ay u midoobaan arrintan,” ayuu yiri Gedion, isagoo ku tilmaamay helitaanka baddu inay tahay arrin mudnaan qaran leh oo aan gorgortan geli karin, islamarkaana xiriir la leh amniga iyo jiritaanka jiilasha soo socda.

Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, ayaa noqotay dal aan bad lahayn kadib markii Eritrea ay qaadatay madaxbannaanideeda sannadkii 1993-kii.

Gedion ayaa u sheegay xildhibaannada in Itoobiya ay ka shaqeynayso xoojinta is-dhexgalka dhaqaale ee ay la leedahay dalalka deriska ah iyadoo adeegsanaysa kaabayaasha dhaqaalaha, sida dhoofinta korontada, jidadka tareennada, iyo mashaariic kale oo horumarineed.

Wuxuu sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay xal waara oo ku aaddan helitaanka marin badeed toos ah, isagoo intaas ku daray in safaaradaha iyo ergada diblumaasiyadeed ee Itoobiya ay wadaan olole “heerar kala duwan ah” oo ay caalamka ugu sharxayaan sharciyadda iyo caddaaladda dalabka Itoobiya.

Hadallada ka soo yeeraya mas’uuliyiinta sarsare ee Itoobiya ayaa dhawaanahan sii kululeeyay dooda ku saabsan helitaanka badda.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa marar badan ku tilmaamay helitaanka Badda Cas arrin “jiritaan” u ah Itoobiya. Luuqaddaas ayaa mararka qaar cabsi ku beertay gobolka, iyadoo laga welwelsanaa in Addis Ababa ay qaadi karto tallaabooyin qasab ah, gaar ahaan kuwa la xiriira xeebaha Eritrea.

Isku-daygii ugu weynaa ee Itoobiya ay dhawaan ku doonaysay marin badeed ayaa yimid 1-dii Janaayo 2024, markii ay heshiis is-afgarad (MoU) la gashay maamulka Somaliland.

Heshiiskaas, Somaliland waxa uu Itoobiya siinayay marin badeed ganacsi iyo mid ciidan. Mas’uuliyiinta Hargeysa ayaa sheegay in heshiisku dhigayay in Itoobiya ay beddelkeeda aqoonsato madaxbannaanida Somaliland.

Soomaaliya ayaa isla markiiba diiday heshiiskaas, iyadoo ku tilmaantay sharci-darro. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii dambe saxiixay sharci burinaya heshiiskaas.

Khilaafkan ayaa dhaliyay xiisad diblomaasiyadeed oo aad u adag oo u dhaxaysa Addis Ababa iyo Muqdisho, iyadoo Soomaaliya ay ka digtay inay difaacan doonto madaxbannaanideeda haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo heshiiskaas. Falanqeeyayaasha gobolka ayaa ka digay in khilaafku uu soo jiidan karo awoodo kale oo tartan ugu jira Badda Cas.

Bishii Disembar 2024, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa saxiixay Baaqa Ankara, oo uu fududeeyay Turkigu, kaas oo ujeedkiisu ahaa in la soo afjaro xiisadda lana hagaajiyo xiriirka. Labada dhinacba waxay dib u xaqiijiyeen ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka.

Baaqa ayaa dhigayay in la sameeyo wada-xaajoodyo farsamo si loo helo qaab u oggolaanaya Itoobiya “marin badeed la isku halleyn karo, ammaan ah, oo waara” iyadoo la tixgelinayo adkaysiga Soomaaliya ee ah in natiijo kasta ay dhowrto midnimadeeda.

Wufuud ka kala socota Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa markii dambe wada-hadallo ku yeeshay Ankara, kuwaas oo ay hoggaaminayeen Wasiir Gedion iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa ku tilmaamay wada-hadalladaas bilow wax-ku-ool ah, waxaana la qorsheeyay wada-xaajoodyo kale oo dheeraad ah, balse weli kama soo bixin qodobo heshiis looga gaaro marin-badeedka ay Itoobiya dooneyso.

- Advertisement -

Read more

Local News