Riyadh (Caasimada Online) – Ka bixitaanka ciidamada Imaaraadka Carabta ee dalka Yemen, kadib duqeyntii dhanka cirka ahayd ee Sacuudiga, ayaa laga yaabaa inay dejiso iska hor imaadka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal. Hase yeeshee, dhacdadan ayaa banaanka soo dhigtay kala-shaki hoose iyo khilaaf soo jireen ah oo u dhexeeya labadan quwadood ee saliidda hodanka ku ah.
Duqeyntii ay hoggaaminayeen isbaheysiga Sacuudiga ee subaxnimadii Talaadada ka dhacday dekedda koonfureed ee Mukalla, ayaa waxaa xigay baaqyo ku aaddan in dhammaan ciidamada Imaaraadka ay isaga baxaan Yemen. Dowladda Riyadh ayaa iyaduna soo saartay bayaan ay ku sheegayso in amnigeeda qaran uu yahay “khad cas” oo aan gorgortan la geli karin.
Dhinaca kale, Imaaraadka ayaa sheegay inay la yaabeen duqeynta, wax yar kadibna waxay ku dhawaaqeen inay ciidamadooda ku haray Yemen kala baxayaan sababo la xiriira badqabkooda.
Xiisaddan, oo ka dhalatay horumar degdeg ah iyo dhul-ballaarsi ay sameeyeen kooxaha gooni-u-goosadka ah ee Imaaraadku taageero horraantii bishii December, ayaa soo saartay khilaaf sanado soo jiitamayay oo u dhexeeya labadan dal ee waaweyn, kaas oo salka ku haya arrimo badan oo ay ka mid yihiin qoondada soo saarista saliidda ilaa loolanka saameynta siyaasadeed ee gobolka.
Xogta kulankii Washington
Ilo wareedyo Khaliiji ah oo xog-ogaal u ah aragtida Sacuudiga ayaa Reuters u sheegay in xiisaddan ay ka dhalatay “is-faham waa” ka yimid wadahadallo bishii Nofembar ka dhacay Washington, kuwaas oo dhexmaray Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, lagagana hadlayay dagaalka Suudaan.
Wadahadallo heer sare ah oo ay ku jiraan taleefanno dhexmaray Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa socday tan iyo bishii December, inkastoo ilo wareedku sheegay inaan weli natiijo rasmi ah laga gaarin dhulka.
Sii xumaanshaha xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa halis ku ah gobolka Khaliijka oo dhaqaale ahaan awood badan, kana mid ah meelaha ugu xasiloon Bariga Dhexe ee qalalaasuhu hareeyay.
Khilaafku wuxuu caqabad ku noqon karaa go’aannada soo saarista saliidda, xilli labada dal ay isku diyaarinayaan kulan ay la yeelanayaan xubnaha OPEC+ maalinta Axadda.
“Xiriirka labada dal marna ma ahayn mid fudud, laakiin khilaafkan wuxuu u muuqdaa kii ugu cuslaa muddo sanado ah,” ayuu yiri Neil Quilliam oo ka tirsan hay’adda cilmi-baarista ee Chatham House.
Dhul-ballaarsigii December
Kadib horumarkii degdegga ahaa ee horraantii bishii December, ciidamada Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC) ee Imaaraadku taageero ayaa hadda gacanta ku haya dhul ballaaran oo ay ku jirto gobolka istiraatiijiga ah ee Xadramuut.
STC waxay horey qayb muhiim ah uga ahaayeen isbaheysiga garabka siinaya dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Sacuudigu taageero, dagaalkana kula jirta Xuutiyiinta Iran taageerto ee haysta Sanca iyo waqooyiga dalka.
Dhul-ballaarsigooda koonfureed ayaa ciidamada STC soo gaarsiiyay xuduudda Yemen la wadaagto Sacuudiga, waana aag ay qabaa’il badan oo Sacuudiyaan ah asalkooda ka soo jeedaan, taas oo siinaysa ahmiyad dhaqan iyo mid taariikheed.
Arrintan ayaa Sacuudiga iyo Imaaraadka ka dhigtay kuwo ku kala jira laba dhinac oo iska soo horjeeda dagaalka sokeeye ee Yemen oo qarxay 2014. STC ayaa diiday baaqyada Sacuudiga ee ah inay ka baxaan aagagga ay qabsadeen, iyagoo wacad ku maray inay sii sugi doonaan amniga Hadramout iyo gobolka bari ee Mahra.
Bayaan ay Imaaraadku ka soo saareen duqeyntii Mukalla, ayay ku sheegeen inay isku dayeen inay xiisadda dejiyaan, iyagoo beeniyay inay ku lug lahaayeen hawlgallo wiiqaya amniga Sacuudiga ama beegsanaya xuduudahooda.
Khilaafka dalka Suudaan
“Labada dal waxay jecel yihiin inay yareeyaan hadal-haynta khilaafka, iyagoo ku dooda in tartanka dowladaha u dhexeeya uu yahay wax iska caadi ah,” ayuu yiri Quilliam. “Laakiin heerka tartanku xaqiiqdii wuu kordhay sanadkii la soo dhaafay, wuxuuna ka socdaa saaxado kala duwan.”
Mid ka mid ah meelahaas waa Suudaan, oo uu ka socdo dagaal sokeeye iyo mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu daran adduunka tan iyo bishii Abriil 2023.
Kooxda loo yaqaan The Quad, oo ay ku jiraan Sacuudiga, Masar, Mareykanka iyo Imaaraadka, ayaa hoggaaminayay diblumaasiyadda colaadda, balse dagaalku wuu sii socdaa.
Suudaan waa arrin xasaasi u ah Imaaraadka. Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay iyo xubno ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa ku eedeeyay Imaaraadka inay taageeraan ciidamada RSF ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda Suudaan, inkastoo Imaaraadku beeniyay inay dhinacna taageerayaan.
Ilo wareedka Khaliijka ayaa sheegay in hoggaanka Imaaraadku ka carooday markii la gaarsiiyay “xog khaldan” oo sheegaysa in kulankii bishii Nofembar ee Washington, Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan uusan kaliya codsan cunaqabatayn ka dhan ah RSF, balse uu sidoo kale dalbaday cunaqabatayn toos ah oo la saaro Imaaraadka sababo la xiriira taageerada ay siiyaan kooxdaas. Is-faham waagaas ayaa la sheegay inuu dhaliyay xiisadda Yemen.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ma xaqiijin mana beenin warkan, balse waxay tixraacday bayaan hore oo ay ku soo dhaweysay dadaallada Sacuudiga ee Yemen.
Taariikhda degganaansho la’aanta
Anwar Gargash, la-taliyaha diblomaasiyadda ee Madaxweynaha Imaaraadka, ayaa bartiisa ‘X’ ku sheegay Sabtidii in wada-hadalka iyo xalalka siyaasadeed ee ilaalinaya saaxiibtinimada iyo isbaheysiga ay yihiin kuwo lagama maarmaan ah xilligan uu ugu yeeray “marxalad xasaasi ah”. Si toos ah uma uusan soo hadal qaadin Yemen ama Sacuudiga.
Gobolka ayaa horey u soo maray khilaafyo, sida kii 2017 markii Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay cunaqabatayn saareen Qatar. Si kastaba ha ahaatee, khilaafkan hadda jira uma badna inuu keeno dhibaato la mid ah tii Qatar.
“Boqolkiiba boqol (100%) waan ku kala aragti duwannahay Yemen, farqigaasna wuxuu gaaray heer sare kadib xiisadda taagan,” ayuu yiri Abdulkhaleq Abdullah, oo ah aqoonyahan u dhashay Imaaraadka.
“Xulafadu way isku dhacaan… Laakiin way xalliyaan khilaafkooda waxayna wax ka dhistaan waxyaabaha ay wadaagaan.”

