Tel Aviv (Caasimada Online) – Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrameysa in Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) uu booqasho ku tegi doono magaalada Tel Aviv ee caasimada Israa’iil.
Wargeyska The Times of Israel ayaa laga soo xigtay in dhawaan la qorsheynayo in Madaxweyne Cirro uu tego qaybo kamid ah Israa’iil, si loo guda galo dhameystirka heshiiska diblumaasiyadeed ee labada dhinac.
The Times of Israel ayaa sidoo kale ku warramay in Madaweynaha Somaliland uu si rasmi ah u saxiixi doono heshiiska Abraham Acord, kaas oo ogolaanaya xiriir diblumaasiyadeed oo toos ah oo dhex-mara Haregysa iyo Tel Aviv.
Waxaa sidoo kale, Cirro uu saxiixi doono heshiisyo kale oo muhiim ah, sida iskaashi dhinacyada dhaqaalaha, tiknolojiyadda, tamarta iyo kuwa kale.
Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo si rasmi ah u aqoonsada gobolka Somaliland, waxaana isa soo taraya xogaha dheeriga ah ee ku saabsan go’aankan.
Tallaabadan ayaa warbaahinta Israa’iil ay sheegtay inay salka ku hayso qorshe ay Israa’iil ku raadineysay dalal ay dejiso Falastiiniyiinta ay dooneyso inay ka rarto Gaza, iyo dano istiraatiijiyadeed oo la xiriira duqeynta Yemen.
Heshiiska aqoonsiga waxaa 26-kii December wada saxiixay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, kaas oo hadda la kulmay diidmo wayn oo dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo caalamka.
Si kastaba, ujeedka ugu weyn ee Israa’iil ayaa ah inay hesho marin ay u adeegsato la socodka iyo duqeynta kooxda Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la ah Iiraan.

