Tehran (Caasimada Online) – Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhacay dhowr magaalo oo ku yaalla Iiraan Khamiistii, taas oo noqonaysa maalintii shanaad ee mudaaharaadyadii ugu ballaarnaa ee dalka ka dhaca saddexdii sano ee u dambeeyay.
Dibadbaxyadan ayaa salka ku haya xaaladda dhaqaale ee sii liicaysa. Isku dhacyo u dhexeeyay mudaharaadayaal iyo ciidamo ammaanka ah ayaa laga soo wariyay magaalooyin yaryar, waxaana ugu yaraan laba qof lagu dilay magaalada Lordegan ee koonfur-galbeed Iiraan.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay rabshado ay ka mid yihiin gawaarida oo la gubay iyo mudaharaadayaal dhagxaan ku tuuraya ciidamada ammaanka, kuwaas oo adeegsaday rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.
Galbeedka dalka, saddex qof ayaa lagu dilay magaalada Azna, halka qof kale lagu dilay Kuhdasht.
Dhanka kale, wakaaladda Fars News Agency ayaa sheegtay in saddex mudaharaade la dilay, 17 kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday saldhig booliis oo ku yaalla gobolka Lorestan.
Wakaaladdu waxay sheegtay in kooxo rabshado wada ay gudaha u galeen xarunta booliiska fiidnimadii Khamiista, halkaas oo ay dagaal kula galeen ciidamada, isla markaana ay dab qabadsiiyeen gawaarida booliiska qaarkood.
Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay baaqyo lagu dalbanayo in la soo afjaro xukunka hoggaamiyaha sare ee Iiraan, halka kuwo kale ay dalbanayeen in dib loo soo celiyo nidaamkii boqortooyada.
Muuqaallo laga duubay magaalada Aligodarz ee gobolka Lorestan, oo la faafiyay 1-da Janaayo, ayaa muujinayay mudaharaadayaal ku dhawaaqaya hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin “Pahlavi wuu soo laabanayaa,” “Jaavid Shah,” iyo “Geeri kaligii taliye,” iyaga oo taagan waddo ka mid ah magaalada.
Mudaaharaadyadu waxay ka billowdeen dalka Axaddii, kaddib markii qiimaha noloshu kor u kacay isla markaana uu sii dhacay qiimaha lacagta Iiraan.
Wakaaladda Tasnim ayaa sheegtay in 30 qof lagu xiray magaalada Tehran, gaar ahaan degmada Malard, iyada oo lagu eedeeyay inay qalqal geliyeen nidaamka guud, kaddib hawlgal ay wada fuliyeen hay’adaha ammaanka iyo sirdoonka.
Sidoo kale, wakaaladda IRNA ayaa soo xigatay taliyaha booliiska gobolka Alborz, Hamid Hadavand, oo sheegay in 14 qof la xiray, kuwaas oo lagu eedeeyay samaynta walxo qarxa iyo bambaanooyin.
Ilaalada Kacaanka ayaa ku dhawaaqday dhimashada hal xubin oo ka tirsan cutubka Basij, taas oo ka dhacday Kuhdasht, iyo dhaawaca 13 xubnood oo kale, iyagoo ku eedeeyay mudaharaadayaasha rabshadahaas. Hase yeeshee, ururka xuquuqda aadanaha ee Hengaw ayaa sheegay in qofka la sheegay in la dilay uu ahaa mudaharaade ay dileen ciidamada ammaanka.
Dibadbaxyadu waxay si degdeg ah ugu fidayeen magaalooyin kala duwan, kaddib markii ganacsato ku sugan Tehran ay xireen dukaamadooda, iyaga oo sheegay in hoos u dhaca joogtada ah ee lacagta dalka uu ka dhigay nolol-maalmeedka mid adag.
Ardayda jaamacaduhuna si dhakhso ah ayey ugu biireen mudaaharaadyada, waxaana la xiray suuqyo waaweyn oo ku yaalla magaalooyin badan.
Tasnim ayaa sidoo kale sheegtay in toddoba qof oo kale la xiray, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxo cadow ku ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah, isla markaana loo xilsaaray in mudaaharaadyada loo beddelo rabshado.
Rabshadahan ayaa imanaya xilli dhaqaale xumo ba’an ay ka jirto dalka, iyadoo cunaqabatayn Reer Galbeed ay saameyn weyn ku yeesheen Iiraan, sicir-bararkuna uu gaaray ku dhowaad 40 boqolkiiba, halka lacagta dalkuna ay si weyn u qiimo dhacday sannadkan.
Hirkan dibadbaxyada ah ayaa ah kii ugu ballaarnaa tan iyo mudaharaadyadii waaweynaa ee ka dhacay dhammaadkii 2022, kaddib geeridii Mahsa Amini oo ku dhimatay xabsi.
Dowladda Tehran ayaa sheegtay inay diyaar u tahay wadahadal, iyadoo afhayeenka dowladda, Fatemeh Mohajerani, ay xaqiijisay in wadahadallo toos ah lala yeelanayo ganacsatada iyo wakiillada gobollada si loo dhageysto cabashadooda.
Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa Khamiistii khudbad telefishan ku sheegay in xalinta dhibaatooyinka nolol-maalmeedka dadka ay tahay arrin lama huraan ah.
Mas’uuliyiinta ayaa marar badan qirtay in mudaharaadayaashu leeyihiin dalabyo sharci ah, balse xeer-ilaaliyaha guud ee dalka ayaa ka digay in tallaabo sharciyeed adag laga qaadi doono cid kasta oo mudaaharaadyada u adeegsata qalqal amni ama burburin hanti guud.

