27.1 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Soomaaliya oo heshay taageero cusub oo la xiriirta xad-gudubka Israel

Bookmark
Bookmarked

Share

Jiddah (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageero xooggan u heshay difaaca midnimadeed, iyadoo isa soo tarayso diidmada adag ee dalalka caalamka iyo ururradu uga hor imanayaan xad-gudubka Israa’iil, taas oo sheegtay inay aqoonsatay maamulka Somaliland.

Guddiga Fulinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo kulan la xiriiray darda-rgalinta howlaha ururka iyo la socodka xaaladda salka Soomaliya ku yeeshay magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya, ayaa si adag uga horyimid xad-gudubka Israa’iil.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta Xoghaynta Guud ee ururka waxaa looga hadlay horumarrada ka socda dalalka islaamka iyo xaaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xilligaan oo ay muuqdaan in ay hoos u dhaceen damacii ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Youssef bin Mohammed Al-Dubaie oo ku hadlaayey magaca Xoghayaha Guud Hissein Brahim Taha ayaa sheegay in midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay yihiin kuwo muqadis ah oo lama taabtaan ah.

Mas’uulkan ayaa xusay in dalalka dunida ay xilligaan arkayaan isbeddellada degdeg ah iyo caqabadaha kale ee isku xiran, isagoo intaa raaciyay in kulankaan uu ku soo beegmayo waqti Soomaaliya ay wajahayso difaaca iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dheleed ee Soomaaliya.

Guddigga fulinte ee ururka Iskaashiga Islaamka waxa ay carabka ku adkeeyeen in ay garab taagan yihiin Dowlada Federaalka Soomaaliya, iyagoo sidoo kale cambaareeyay xad-gudubka Israa’iil ay ku dooneyso inay ku burburiso midnimada Soomaaliya ,isla markaana ay abuurto xasailooni darro ka dhacda Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya. Dowladda ayaa wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Sidoo kale waxay si adag u diideen tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumaysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii lasoo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda.

- Advertisement -

Read more

Local News