25.8 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Sidee loo fashiliyey isku-dayo maandooriye loogu gelinayey Xabsiga Dhexe ee Xamar?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Isku-dayada maandooriyaha ee si qarsoodi ah loogu gelinayo Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa si weyn u soo kordhay maalmihii u dambeeyay, iyadoo ciidanka asluubta ay fashiliyeen dhowr isku-day.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, gaar ahaan Ilaalada Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho ayaa shalay gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Maxamed Xuseen Nuur (Qanjey), kaas oo ka tirsanaa Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Eedeysanaha ayaa lagu qabtay isagoo isku dayaya inuu gudaha xabsiga soo geliyo waxyaabaha maanka dooriya, gaar ahaan Xashiish.

Arrintaan ayuu talisku sheegay inay si cad uga hor imaaneyso shuruucda iyo anshaxa shaqo ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Eedeysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Ciidanka Asluubta, gaar ahaan Hoggaanka Baarista Dembiyada iyo Kormeerka Xabsiyada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana lagu wadaa in loo gudbiyo maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo.

“Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed wuxuu mar kale adkeynayaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka fal kasta oo lid ku ah ammaanka, anshaxa iyo sharciga, iyadoo aan loo eegin cidda ku lug leh,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay talidka ciidanka asluubta.

Sidoo kale, Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, gaar ahaan ilaalada Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa toddobaad ka hor gacanta ku dhigay eedaysane lagu magacaabo Cabdinaasir Maxamed Axmed.

Eedaysanaha ayaa la qabtay xilli uu isku dayayey inuu xabsiga kusoo geliyo, isagoo booqde ahaan isu ekaysiinaya, maandooriye ay ka mid yihiin kaniiniyada loo yaqaan Bilibili iyo Xashiish.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa si degdeg ah tallaabo sharci ah u qaaday, waxaana eedaysanaha hadda uu ku jiraa gacanta Ciidanka Asluubta. Sidoo kale, waxaa loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga waafaqsan loola xisaabtamo, sida uu sheegay taliska.

- Advertisement -

Read more

Local News