28.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

CIRRO oo ceeb weyn dhex taagan kadib hadalkii Eric Trump

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Davos (Caasimada Online) – Sheegashadii dhowaan ay baahiyeen madaxda Somaliland ee ku aaddanayd in kulan guul ah uu dhexmaray Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro” iyo wiilka Madaxweynaha Maraykanka, Eric Trump, ayaa isu beddeshay mid dhalisay “ceeb iyo waji-gabax,” kadib markii dhinaca Trump ay soo saareen warbixin ay ku burinayaan warkaas, iyagoo sheegay inaanu dhicin wax kulan ah oo rasmi ah.

Afhayeen u hadlay Eric Trump ayaa Talaadadii si cad u beeniyay wararka sheegaya in kulan diblomaasiyadeed uu dhacay toddobaadkii hore, taasi oo si toos ah uga horimanaysa sheekada ay suuq-geynayeen hoggaanka maamulka Hargeysa.

Arrintan oo soo ifbaxday shan maalmood kadib dhacdadii 22-kii Janaayo, ayaa mugdi weyn gelisay dadaalka wafdiga Somaliland ee ahaa inay muujiyaan guul diblomaasiyadeed oo ay ka gaareen shirka Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF), halkaas oo ay u tageen inay ku xoojiyaan qadiyaddooda aqoonsi raadinta.

Inkastoo baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood lagu faafiyay sawirro muujinaya Madaxweyne Cirro oo gacan-qaadaya Eric Trump, haddana hay’adda Trump Organization ayaa Talaadadii soo afjartay shakiga, iyadoo meesha ka saartay in wax wada-hadal ah oo nuxur leh uu halkaas ka dhacay. 

Kimberly Benza, oo ah afhayeenka Eric Trump, ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri: “Ma jiro waqti uu [Eric Trump] kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland. Sidoo kale, ma jiro waqti, haba yaraatee, uu kala hadlay arrimaha dekedda.”

Ms. Benza ayaa sharraxday in kulanka la sheegay uu ahaa mid ka dhacay qol ay ku sugnaayeen in ka badan 100 qof, isla markaana Eric Trump uusan wax faallo ah ka bixin ama aqoonsan khudbadii Madaxweyne Cirro. “Waxaa kaliya oo dhacay is-salaan, intaas uun bay ahayd,” ayay raacisay.

Jawaabtan adag ayaa timid xilli dowladda Somaliland ay maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta caalamiga ah siinaysay xog sheegaysa inuu jiro is-faham guul ah oo ku saabsan dekedda istiraatiijiga ah ee Berbera.

Saraakiisha Somaliland ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in kulanka Trump uu ahaa mid “aad u wanaagsan,” iyadoo weriye Reuters ka tirsan uu arkay markii Madaxweyne Cirro galayay qolka ay ku sugnaayeen Eric Trump iyo Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog.

Hase yeeshee, xogta ay heshay Somalia Today ayaa daboolka ka qaadaysa in hoggaamiyaha Somaliland uusan haysan martiqaad rasmi ah oo uu kaga qaybgalay Madasha Dhaqaalaha Adduunka. Beddelkeeda, wararku waxay sheegayaan in wafdigu ay kiraysteen hoteel u dhow goobta shirka si ay u abuuraan fursado ay “kulamo doceed ah” oo ay ka helaan qaar ka mid madaxda caalamka, si ay sawirro ula galaan.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Cirro uu galay casho albaabbadu u xirnaayeen Arbacadii hore, isagoo ku dadaalay inuu sawirro la galo dadka magaca leh. Intaas kadib, kooxdiisa ayaa warbaahinta caalamiga ah, oo ay ku jiraan Reuters iyo BBC, siiyey xog marin-habaabin ah si kulankaas kooban ee aan rasmiga ahayn looga dhigo mid diblomaasiyadeed oo miisaan culus leh.

Farqiga u dhexeeya sawirrada la soo bandhigay iyo beeninta kulul ee kooxda Trump ayaa dhaliil xooggan ka dhaliyay falanqeeyayaasha gobolka.

Axmed Cabdi, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ku sugan Muqdisho, ayaa dhacdadan ku tilmaamay “ceeb,” isagoo xusay in isku-dayga ah in sawirro la iska qaaday laga dhigo kulan rasmi ah ay wiiqayso sumcadda Somaliland, isla markaana ay tahay isku-day lagu doonayo in sharciyad lagu raadiyo hab aan dhab ahayn.

- Advertisement -

Read more

Local News