Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shabaab lagu dilay duqayn dhacday dhammaadkii toddobaadkii hore.
Axmed Macallin Fiqi, wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa saaka warbaahinta u faahfaahiyey xogta dilka Cabdullaahi Xasan Cosoble, oo loo yaqaanay Cabdullaahi Wadaad. Dilka Cabdullaahi Wadaad ayaa ka dhacay deegaanka Kuunyo-Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 23-kii Janaayo 2026.
Duqaynta waxa fulisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), iyadoo kaashanaysa saaxiibbada beesha caalamka ee taageera hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Wasiir Fiqi ayaa Cabdullaahi Wadaad ku tilmaamay “oodin iyo waran wadnaha kaga taagnaa ummadda Soomaaliyeed”.
“NISA oo kaashanaysa saaxiibbada caalamka waxay fulisay hawlgal qorshaysan oo guul ku dhammaaday, kaas oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Hawlgalkan waxa uu ka dhacay deegaanka Kuunyo-Barrow, dabayaaqadii bishan,” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in Cabdullaahi Wadaad lagu beegsaday goob baylah ah oo u sahlaysay in duqaynta laga fuliyo, isagoo xusay in horjooguhu ku sugnaa meel uu u maleeyey inay ammaan u tahay.
Kumuu ahaa Cabdullaahi Wadaad?
Sida uu shirka jaraa’id ku sheegay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, Cabdullaahi Wadaad waxa uu dhashay sanadkii 1965, waxaana uu ku dhashay degmada Ruun Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Waxa uu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2009, isagoo xilligaas kaga biiray magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir, kadibna waxa uu ka mid noqday madaxda sare ee kooxda. Hase yeeshee, waxaa jira xogo kale oo sheegaya inuu ku biiray 2008.
Cabdullaahi Wadaad waxa uu ka mid ahaa ragga sida weyn loogu doon-doonayey, kuwaas oo ay dowladdu baadi-goob ku haysay. Sanadkii 2024 ayay dowladdu ku dartay liiska dambiileyaasha waaweyn ee cunqabataynta la saaray, sida uu sheegay wasiir Fiqi.
Waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Al-Shabaab, waxaana ka mid ahaa inuu noqday sarkaalkii isku xira beelaha dega gobolka Shabeellaha Dhexe iyo hoggaamiyaha kooxda Axmed Diiriye, sida uu sheegay wasiir Axmed Macallin Fiqi.
Xilalka kale ee uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa inuu maamulay xafiiska sakada ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu ka ururin jiray sakada iyo kharashaadka kale ee laga qaado dadka ku nool deegaannadaas.
Cabdullaahi Wadaad waxa uu ka mid ahaa tobanka qof ee ugu sarreeya Al-Shabaab, sida ay BBC-da u sheegeen dad si dhow uga war haya qaab-maamulka kooxda. Muddo ayuu ku dhex jiray qaybta maaliyadda ururka, halka xilkiisii ugu dambeeyey uu ahaa madaxa xafiiska maaliyadda Al-Shabaab, isagoo maamulayey dakhliga soo gala ururka.
Laba bilood gudahood, Cabdullaahi Wadaad waxa uu noqonayaa sarkaalkii labaad ee sare ee laga dilo Al-Shabaab. Horraantii bishii Diseembar ee sanadkii dhammaaday ayaa duqayn cirka ah oo ka dhacday magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe lagu dilay nin la odhan jiray Cabdullaah Cusmaan, oo loo aqoon jiray Injineer Ismaaciil, kaas oo ka mid ahaa madaxda sare ee Al-Shabaab.
Ninkaasi waxaa lagu sheegay inuu ahaa madaxa xafiiska “Amniyaat” iyo xafiiska warbaahinta kooxda, isla markaana uu ka mid ahaa lataliyeyaasha Axmed Diiriye, hoggaamiyaha Al-Shabaab.

