25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 2, 2026

Maxaa laga filan karaa kulanka maanta ee BF Soomaaliya?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in mar kale maanta oo Sabti ah ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho, kaas oo weli ay ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah.

Farriin xalay loo diray xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay inay si buuxda uga soo qayb-galaan kulankan, iyada oo guddoonka sare uu markii saddexaasd isku dayayo in la guda galo ansixinta ajendaha, si looga doodo Dastuurka, gaar ahaan cutubyadiisa 5-aad ilaa 9-aad oo haatan lasoo jeediyay.

Arrintan ayaa keentay in xildhibaannadu ku kala qaybsamaan, waxaana kasoo horjeedo kuwa mucaaradka oo u badan xubnaha laga soo doorto Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale waxa ay arrintan sababtay in xalay guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow uu  soo saaro go’aan rasmi ah oo uu illaa 19 xildhibaan uga joojiyay kulamada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannadaas ayaa toos looga mamnuucay ka-qaybgalka 12 kulan oo ah fadhiyada wada-jirka ah ee labada gole, iyo fadhiyada kale Golaha Shacabka oo ka bilaabanaysa maanta oo Sabti ah oo taariikhdu tahay 07/02/2026, iyada oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen  qalalaasihii ka dhacay fadhigii u dambeeyay ee wadajirka ahaa.

“Iyadoo la tixgalinaayo xaaladaha amniga, iyo in aysan soo noqon fowdo iyo carqaladeyn kale ee ka dhaca Golaha, kuwaas oo si toos ah u halis gelinaya badqabka Xildhibaannada, shaqaalaha Golaha Shacabka, iyo hannaanka gudashada waajibaadka Golaha Shacabka waxaa kulamada laga joojiyay xildhibaannadan.” ayaa lagu yiri go’aanka soo baxay.

Horay waxaa sidoo kale fadhiyada Baarlamaanka, 12 kulan looga joojiyay 18 xildhibaan iyo 2 Senator oo iyana ku lug lahaa qalalaase ka dhacay golaha.

Dhinaca kale, waxaana la ogayn sida uu kooramka u buuxsami doonno maanta, maadaama la ganaacay ilaa 40 xildhibaan oo ka maqnaan doono golaha 12 kulan oo xiriir ah.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana dib u dhacay wada-hadalladii la filayay inay u bilowdaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka oo qorshuhu ahaa in heshiis ay ku garaan labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News