Washington (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland, oo dhowaan uun xiriir rasmi ah la yeeshay Israa’iil, ayaa hadda u muuqda inuu indhaha ku hayo yool ka weyn midkaas, kaas oo ah helidda aqoonsi diblomaasiyadeed oo uu ka helo dowladda Maraykanka.
Sida lagu xusay diiwaangelinta sharciga ee dadka u ololeeya danaha shisheeye ee Mareykanka (FARA), Somaliland ayaa shaqaalaysiisay shirkad saameyn weyn ku leh xisbiga Jamhuuriga, gaar ahaan maamulka madaxweyne Donald Trump, si ay ugu ololeyso gudaha Washington.
Shirkadda Nestpoint, oo fadhigeedu yahay magaalada Dallas ee gobolka Texas, kana shaqaysa arrimaha maalgashiga iyo xiriirka dowladaha, ayaa la xaqiijiyay in Somaliland ay u wakiilatay “dejinta iyo fulinta qorshe dhammaystiran oo lagu xaqiijinayo aqoonsi caalami ah.” Shirkaddan ayaa ka shaqayn doonta sidii ay xiriir dhow ula yeelan lahayd madaxda iyo hay’adaha go’aan-gaarista ee dowladda Maraykanka.
Sida ku cad heshiiska oo la saxiixay bishii Oktoobar ee sannadkii hore, Nestpoint waxay bishii qaadan doontaa lacag dhan $7,500, iyadoo qandaraaskaas oo socon doona muddo sannad ah uu sidoo kale dhigayo in shirkaddu ay suuq-geyso maalgashiga Somaliland.
Qoraal ay shirkaddu soo saartay bishii Decembar, waxay ku sheegtay in labada ujeedo ee ugu waaweyn ee ay u adeegayso macmiilkeeda cusub ay yihiin aqoonsi diblomaasiyadeed iyo isku-fillaansho dhaqaale.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, oo ka hadlay heshiiskan ayaa yiri: “Awoodda ay Nestpoint u leedahay inay isku xirto u qareemidda diblomaasiyadda iyo horumarinta dhaqaalaha, waxay ka dhigaysaa lammaanaha ugu habboon ee ka gacan siin kara Somaliland sidii ay kaalinteeda saxda ah uga qaadan lahayd fagaaraha caalamka.”
Xubnaha ka dambeeya ololaha
Nestpoint waxaa majaraha u haya rag miis culus ku leh xeeladaha xisbiga Jamhuuriga (GOP). Waxaa ka mid ah John Thomas oo ah falanqeeye caan ka ah telefishinnada Maraykanka. Hasa yeeshee, qofka ugu muhiimsan ee loo xilsaaray ololaha Somaliland waa Stuart Jolly, oo ahaa agaasimihii ololihii doorashada ee Donald Trump sannadkii 2016.
Mr. Jolly waa shaqsi uu Trump si gaar ah ugu ammaanay masraxa markii uu ku guuleystay doorashadii horudhaca ahayd ee New Hampshire, wuxuuna hore u hoggaamin jiray ururka “Great America PAC” oo taageera Trump.
Tallaabadan ay qaadday Somaliland ayaa ku soo beegmaysa xilli xarumaha cilmi-baarista (Think Tanks) ee xisbiga Jamhuuriga ay aad u cadaadinayaan in aqoonsi la siiyo Somaliland, iyadoo gobolka Geeska Afrika uu hadda u muuqdo mid u rogmaday fagaare lagu loolamayo saamaynta istiraatiijiyadeed ee dunida.
In kasta oo loolanku xooggan yahay, haddana Nestpoint iyo Somaliland waxay wajahayaan waddo aad u adag oo dhagaxaan badan.
Hindise-sharciyeed lagu aqoonsan lahaa Somaliland oo la horkeenay Aqalka Hoose ee Maraykanka bishii Juun ee sannadkii hore ayaan weli dhaafin heer guddiyo. In kasta oo ay jiraan xubno saameyn leh oo taageersan, sida Senator Ted Cruz, haddana inta badan xubnaha Congress-ka ayaa weli ka cagajiidaya inay ka horyimaadaan mowqifka caalamiga ah ee midnimada Soomaaliya.

