29.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 2, 2026

DF Soomaaliya oo xil sare u magacowday wasiiru-dowlihii hore ee Puntland

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Danjire Ku-xigeenka Soomaaliya ee dalka Tansaaniya u magacowday Wasiiru-dowlihii hore ee Warfaafinta Puntland, Dr. Cabdifataax Nuur Axmed (Ashkir).

Ashkir ayaa sidoo kale noqonaya diblumaasi sare oo Soomaaliya ku meteli doona Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo matalaadda Soomaaliya ee dalalka xubnaha ka ah EAC, xilli dalka uu si rasmi ah ugu biiray ururkaasi sanadkii 2023.

Soomaaliya ayaa haatan dadaal ku bixinaysa sidii ay uga faa’iideysan lahayd fursadaha dhaqaale iyo iskaashi ee ka dhex jira dalalka xubnaha ka ah ururka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, isu-socodka iyo maalgashiga.

Dr. Ashkir ayaa lagu tilmaamaa xeeldheere ku takhasusay arrimaha Bariga Afrika iyo Carabta, isla markaana ah khabiir ku xeel dheer dejinta iyo hirgelinta siyaasadaha dowladeed.

Intii uu ka tirsanaa xukuumadihii kala dambeeyey ee Puntland, Dr. Ashkir waxaa si weyn loogu xusuustaa doorkii uu ka qaatay bud-dhigga iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta iyo qorsheynta siyaasadda.

Ashkir ayaa sidoo kale si weyn loogu xusuustaa sida uu warbaahinta caalamka iyo tan Carabta uga difaacay qaranimada Soomaaliya, kadib markii Israa’iil ay sheegtay inay aqoonsatay Somaliland.

Si kastaba, ka mid ahaanshaha Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika ayaa loo arkaa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo is-dhexgalka gobolka, iyadoo dalka uu doonayo inuu door firfircoon ka qaato horumarka waara, shaqo-abuurka iyo sare u qaadista tayada nolosha bulshada Bariga Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News