28.9 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Abiy oo ciidan xooggan soo bandhigay, sheegayna in Soomaaliya illaa Eritrea ay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Axaddii ku dhawaaqay in dalkiisa aan badda lahayn ee Itoobiya uu tababarrada ciidamadiisa ku daray hawlgallada badda, isagoo ciidamadiisa ku sifeeyay “gaashaan” difaac u ah gobolka xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha ka taagan Geeska Afrika.

Isagoo ka hadlayay garoon ku yaalla magaalada koonfureed ee Hawaasa, ayuu Abiy sheegay in isbeddelkan loola dan leeyahay la-dagaallanka burcad-badeedda iyo “argagixisada badaha” ee ka jirta marinka xasaasiga ah ee Badda Cas. Wuxuu tilmaamay in aagga amniga hawlgalladani ay ka soo bilaabanayaan cirifka Soomaaliya illaa dekedda Massawa ee dalka Ereteriya.

“Diyaar-garowgeennu wuxuu salka ku hayaa in la damaanad-qaado nabadda guud ahaan qaaradda Afrika,” ayuu yiri Abiy xilli uu dadweyne kala hadlayay munaasabad lagu xusayay sannad-guurada 65-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Itoobiya.

Muddo tobanaan sano ah, Itoobiya waxay tababarradeeda ciidan xoogga ku saari jirtay berriga, buuraha, iyo wabiyada. Balse Axaddii, Abiy wuxuu shaaciyay in ciidamadiisu ay haatan si cad u ballaariyeen awoodahaas si ay u dabooolaan hawlgallo badeed oo isku dhafan, isagoo wacad ku maray inuu kala shaqayn doono “dadyowga walaalaha ah” sugidda amniga jidadka muhiimka ah ee badda.

Waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday daad-guraynta ciidamo gaar ah oo ku qalabaysan teknoolajiyad casri ah, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee wax basaasa iyo kuwa is-miidaamiya (kamikaze) ee awooda in ay burburiyaan fariisimada adag ee cadowga.

Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Itoobiya, Field Marshal Beraanu Jula, oo isna munaasabadda ka hadlay—taas oo lagu soo xiray dhoolla-tusyo xeeladeysan iyo qalin-jabinta kumaandoos cusub—ayaa xusay in inkastoo dalku soo maray sannado colaado sokeeye ah, haddana ay Itoobiya dib u dhistay ciidan difaac oo “isku halleyn leh”, anshax wanaagsan, kana madax-bannaan eex iyo xulufeysi siyaasadeed.

Baahida marin badeed

Ku dhawaaqista Itoobiya ee u diyaar-garowga hawlgallada badda ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi u ah dalkan labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Itoobiya ayaa weysay xeebaheedii sannadkii 1993-kii markii Ereteriya ay xornimadeeda qaadatay ka dib dagaal socday tobanaan sano. Tan iyo xilligaas, Addis Ababa waxay si weyn ugu tiirsanayd dalka deriska ah ee Jabuuti, kaas oo gacanta ku haya qiyaastii 95% komishanka ganacsiga soo gala Itoobiya.

Iyadoo isku dayaysa inay hesho marino kale oo badeed, ayay Itoobiya dhalisay xiisad diblamaasiyadeed oo aad u weyn bishii Jannaayo 2024. Addis Ababa ayaa heshiis is-fahan (MoU) oo muran dhaliyay la saxiixatay maamulka goonni-isu-taagga ah ee Somaliland, si ay u kireysato xarig xeeb ah oo loo isticmaalo ganacsi iyo saldhig ciidan badeed.

Muqdisho ayaa si adag uga hortimid heshiiskaas, iyadoo ku dooday in Somaliland ay ka mid tahay dhulka madax-bannaan ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa kaga jawaabtay inay eriday safiirkii Itoobiya u fadhiyay dalkeeda, ayna ku hanjabtay inay saari doonto kumanaan askari oo Itoobiyaan ah oo ka hawlgala gudaha xuduudaheeda. Ciidamadaas ayaa dalka ku jooga heshiisyo laba geesood ah iyo qayb ka mid ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo bishii Jannaayo 2025 si rasmi ah u beddelay ciidamadii hore ee nabad ilaalinta ee ATMIS.

Si kastaba ha ahaatee, wadahadallo ay garwadeen ka ahayd dowladda Turkiga oo socday sanadkii 2024 ayaa horseeday “Baaqii Ankara” bishii Diseembar, kaas oo u weeciyay labada dal dhanka isu soo dhawaansho jilicsan.

Wada-hadalladii ugu dambeeyay ayaa laga weeciyay fikraddii ahayd in saldhig badd oo madax-bannaan laga siiyo Somaliland, waxaana beddelkeeda diiradda la saaray sidii Itoobiya loo siin lahaa marin ganacsi oo ay ka hesho dekedaha dowladda federaalka Soomaaliya.

‘Baaruud qarxi karta’

Xusitaanka cad ee uu Abiy Axmed Axaddii xusay in aagga amniga la gaarsiinayo dekedda Massawa ee dalka Ereteriya ayaa ku soo beegmaysa xilli aad xasaasi u ah. Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa dhowaan ku sifeeyay xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya mid u eg “baaruud qarxi karta”.

Labada dal ayaa galay dagaal xuduudeed dhiig badan ku daatay intii u dhaxaysay 1998 illaa 2000, ka dibna heshiis nabadeed ayay gaareen 2018-kii, kaas oo Abiy u horseeday inuu ku guuleysto Abaalmarinta Nabadda ee Nobel.

Ciidamada Ereteriya ayaa sidoo kale garab istaagay xukuumadda Abiy intii uu socday dagaalkii Tigray (2020-2022) ee waqooyiga Itoobiya. Balse xiriirka labada dal ayaa hoos u dhac weyn ku yimid wixii ka dambeeyay markii Asmara laga reebay heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee bishii Nofembar 2022, kaas oo soo afjaray colaaddii Tigray.

Horraantii bishan, Itoobiya ayaa dirtay warqad rasmi ah oo ay Ereteriya ku eedaynayso xadgudub ciidan, iyadoo sheegtay in Asmara ay qabsatay dhulal xuduudda ku yaalla, isla markaana ay gacan siinayso kooxo hubeysan oo gudaha ah.

Ereteriya ayaa si degdeg ah u gaashaamatay eedeymahaas, iyadoo ku tilmaantay “kuwo been abuur iyo macmal ah.” Asmara ayaa u aragta hadallada is-daba-joogga ah ee Abiy ee ku saabsan helitaanka Badda Cas mid maldahan oo ka dhigan duullaan la qorsheynayo.

Inkastoo heegankan ciidan ee sare loo qaaday uu jiro, Abiy ayaa marar badan ku adkeystay in Itoobiya ay himiladeeda badda ku raadin doonto wadahadal, isagoo fagaareyaasha ka sheegay in aanu jiri doonin dagaal hubeysan oo loo galo dekedaha.

Ra’iisul Wasaaraha ma uusan bixin tafaasiil hawlgal oo ku saabsan sida dalkiisa aan badda lahayn uu u fulin doono tababarradiisa cusub ee dhanka badda. Balse waxa uu adkeeyay in diyaar-garowgiisu yahay mid gebi ahaanba is-difaacid ah oo loola dan leeyahay uun in lagu taageero xasiloonida guud ahaan Geeska Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News