Tehran (Caasimada Online) — Xukuumadda Iiraan ayaa si weyn u bartilmaameedsanaysa nidaamyada raadaarka ee u adeega sidii indhaha difaaca cirka ee gobolka Bariga Dhexe, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay duqeysay xarumo dhowr ah, arrintaas oo hoos u dhigtay awooddii Mareykanka iyo xulafadiisa ay kula socon lahaayeen gantaallada kusoo wajahan, waxaa sidaas qoray Wall Street Journal.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiil Mareykan ah, falanqeeyayaal milateri iyo sawirro satalayt ah, weerarada aargoosiga ah ee Iiraan ay uga jawaabayso ololaha duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil ayaa lagu dhuftay nidaamyada raadaarka, isgaarsiinta iyo difaaca cirka ee dalalka Qatar, Imaaraadka Carabta, Urdun, Baxreyn, Kuweyt iyo Sacuudi Carabiya.
Weeraradan ayaa inta badan loo adeegsadaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is-miidaaminta ah ee Iiraan, sida nooca Shahed, kuwaas oo qiimahoodu uu aad uga jaban yahay gantaallada ay nidaamyada casriga ah ee Mareykanka loogu talagalay inay iska difaacaan. Iiraan ayaa maalmihii u dambeeyay riday gantaallo ka yar kuwii hore.
“Guud ahaan, nidaamyadeena difaacu si wanaagsan ayay u shaqeynayaan. Marka taas la eego, waxaa cad in Iiraaniyiintu ay fahamsan yihiin nooca bartilmaameedyada ay doonayaan inay culeyska saaraan, taasna waxaa ka mid ah nidaamka taliska iyo isgaarsiinta iyo awoodda aan ku ogaan karno gantaallada iyo diyaaradaha soo socda,” ayuu yiri Ravi Chaudhary, oo ah xoghaye ku xigeenkii hore ee Ciidamada Cirka ee qaabilsanaa saldhigyada.
Afhayeen u hadlay Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ciidanku uu wali leeyahay awooddii dagaal ee buuxday, inkastoo ay jiraan duqeymahaas. Mareykanka ayaa xoojinayay difaaciisa gobolka, isagoo soo diraya qalab iyo gantaallo dheeraad ah, sida ay xuseen saraakiil Mareykan ah.
Mareykanka ayaa sheegay inuu maalinba maalinta ka dambaysa wiiqayo awoodda Iiraan ay ku qaadi karto weeraro. Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe, Admiral Brad Cooper, ayaa Khamiistii sheegay in weeraradii gantaallada ballistic-ga ay hoos u dhaceen boqolkiiba 90%, halka weeraradii diyaaradaha Drones-ka ay hoos u dhaceen 83% tan iyo markii uu dagaalku bilowday.
Mareykanka iyo xulafadiisa gobolka ayaa adeegsada shabakad isku xiran oo ka kooban nidaamyada Thaad, Patriots iyo qalab kale oo difaaca cirka ah si ay u soo ridaan gantaallada, diyaaradaha Drones-ka iyo gantaallada kale ee ay ridaan Iiraan iyo maleeshiyaadka xulafada la ah ee gobolka.
Nidaamyadan difaaca cirka ayaa si weyn ugu tiirsan raadaarka si ay u ogaadaan khataraha soo wajahan. Xarumahan ayaa inta badan ah kuwo dhif ah oo aad qaali u ah. Colaaddan ayaa sidoo kale hoos u dhigtay kaydkii Mareykanka ee gantaallada ka hortagga ah ee loo isticmaalo difaaca.
Mid ka mid ah duqeymihii ugu weynaa ayaa ku dhacday nidaam raadaar oo casri ah oo bixiya digniinaha xilliga hore, kaas oo ku yaalla saldhigga Al-Udeid ee dalka Qatar, oo ah saldhigga ugu weyn ee milateriga Mareykanku ku leeyahay gobolka. Weerarka ayaa dhaawacay raadaarka AN/FPS-132, wuxuuna hakiyay awooddiisii shaqo, sida ay muujinayaan sawirrada satalaytka iyo sarkaal Mareykan ah.
Raadaarka AN/FPS-132 ayaa ah mid awood weyn leh oo loogu talagalay inuu hal mar la socdo bartilmaameedyo badan. Mareykanka ayaa haysta shan ka mid ah nidaamyadan raadaarka ee fadhiya goobaha sugan, kuwaas oo qayb ka ah nidaamka digniinta Waqooyiga Ameerika si ay dhul-weynaha Mareykanka uga difaacaan gantaallada kusoo wajahan, sida ay sheegtay hay’adda falanqeynta difaaca ee IISS. Nidaamkan ayaa qiimihiisu gaarayaa ilaa 1 bilyan oo doolar.
“Kuwani waa kheyraad istaraatiijiyadeed oo aad u yar,” ayuu yiri Thomas Karako, oo ah agaasimaha Mashruuca Difaaca Gantaallada ee Xarunta Daraasaadka Istaraatiijiga iyo Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Washington.
Sawirro satalayt ah oo ay qaadday shirkadda Planet Labs ayaa muujinaya burbur soo gaaray xarunta raadaarka ee Qatar. Sawirrada ayaa muujinaya burbur ka muuqda qaybta waqooyi-bari ee dhismaha raadaarka qaabka qubbada ah ee u jeeda dhanka Iiraan, iyo sidoo kale biyo qulqulaya oo u badan in lagu daminayay dab goobta ka kacay, sida uu sheegay Sam Lair, oo ah cilmi-baare ka tirsan Xarunta James Martin ee Daraasaadka Hubka. “Waxay muujineysaa jilicsanaanta qaar ka mid ah raadaarradan heerka sare ah,” ayuu yiri Lair oo lafagur ku sameeyay sawirka satalaytka.
Sidoo kale, Iiraan ayaa duqeysay raadaar noociisu yahay TPY-2 oo ku xiran nidaamka Thaad oo ku yaalla dalka Urdun, sida ay muujinayaan sawirro satalayt iyo sarkaal Mareykan ah. Raadaarkan ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah nidaamka difaaca gantaallada ee dhulka, kaas oo hawada sare ku bur-buriya gantaallada ballistic-ga.
Sawirro satalayt ah oo uu dib u eegis ku sameeyay wargeyska The Wall Street Journal ayaa sidoo kale muujinaya burbur soo gaaray saddex qubbadood oo raadaar oo ku yaalla Camp Arifjan, oo ah saldhig ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka ee Kuweyt, iyo burbur soo gaaray nidaam isgaarsiineed oo satalayt ah oo ku yaalla xarunta dhexe ee Guutada Shanaad ee Ciidamada Badda Mareykanka ee ku sugan Baxreyn.
Gudaha Sacuudi Carabiya, sawir satalayt ah oo la qaaday 1-dii Maarso ayaa muujinaya qiiq ka baxaya dhisme ku dhex yaalla xarun raadaar oo ku taalla Saldhigga Cirka ee Prince Sultan ee Boqortooyada.
Mareykanka ayaa nidaamyadiisa raadaarka ee ugu muhiimsan geeyay goobo istaraatiiji ah oo daafaha caalamka ah si uu isaga difaaco khataraha uga imanaya Iiraan, Kuuriyada Waqooyi, Ruushka iyo cadawga kale. Ciidamada Badda ayaa sidoo kale gobolka ku leh dhowr markab dagaal oo xambaara gantaallada la hago, kuwaas oo iyaguna awood u leh inay soo ridaan gantaallada ballistic-ga iyo khataraha kale ee hawada.
Nidaamyadan ayaa door muhiim ah ka ciyaaray colaadda hadda kala dhexaysa Iiraan. Markii Iiraan ay gantaal ku riday saldhig milateri oo ku yaalla Turkiga, halkaas oo Mareykanku uu ku kaydiyo hub nukliyeer ah, nidaam raadaar oo Mareykanku leeyahay oo ku yaalla koonfur-bari Turkiga ayaa ogaaday gantaalka soo socda, wuxuuna xogta khatartaas u gudbiyay markab dagaal oo Mareykanku leeyahay oo ku sugan bariga badda Mediterranean, kaas oo soo riday gantaalka.
Xarunta raadaarka ee magaalada Kürecik ayaa in ka badan toban sano ka hor waxaa halkaas dhigay maamulkii Obama si loo xoojiyo difaaca cirka ee NATO ee ka dhanka ah Iiraan.
Ciidamada Dhulka ee Mareykanka ayaa guud ahaan haysta kaliya toddobo nidaam oo Thaad ah oo hawlgal ah, kuwaas oo ay ku jiraan labo si joogto ah u saldhiggan Guam iyo Kuuriyada Koonfureed.
Shanta nidaam ee Thaad ee meelaha kala duwan loo wareejiyo, labo ka mid ah ayaa hadda ku sugan Bariga Dhexe—Israa’iil iyo Urdun—si ay uga hortagaan khataraha Iiraan. Nidaamkii siddeedaad ee Thaad ayaa Mareykanka la siiyay sanadkii hore balse wali waxaa ku socda tijaabooyin, sida ay sheegeen saraakiishu. Sacuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa iyaguna nidaamyada Thaad uga iibsaday Mareykanka, waxayna sheegeen in qaar ka mid ah ay hadda hawlgal yihiin.
Weeraro badan oo ay qaadday Iiraan, waxay adeegsatay diyaaradaha Drones-ka ee is-miidaaminta ah ee qarxa marka ay bartilmaameedka ku dhacaan. Diyaaradahan oo si hooseysa oo tartiib ah u duula ayaa ah kuwo adag in ay iska difaacaan nidaamyada difaaca cirka ee caadiga ah. Drones-ka ayaa door xudun ah ka ciyaaray aargoosiga Iiraan, iyagoo ku dhuftay xarumo shidaal, saldhigyo milateri iyo dhismayaal dhaadheer oo ku yaalla Khaliijka.
Iiraan ayaa riday gantaallo ka yar kuwii ay ridaysay wejigii hore ee weeraradeeda si ay uga jawaabto weerarka Mareykanka iyo Israa’iil, balse weeraradeeda Drones-ka ayaa si is-daba-joog ah usii socday. Kadib mowjaddii ugu horreysay ee in ka badan 500 oo Drones ah labadii maalmood ee ugu horreysay colaadda, Imaaraadka Carabta ayaa maalin kasta lagu bartilmaameedsanayay in ka badan 100 Drones ah, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca dalkaas.
Labada dhinacba waxay wajahaan yaraansho dhanka kaydka hubka ah. Saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa dagaalka ka hor walaac ka muujiyay in Mareykanka iyo xulafadiisu ay haystaan kayd kooban oo ah gantaallada difaaca cirka ee ka hortagga ah. Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in dalkiisu haysto hub ku filan oo uu ku wajaho colaaddan.
Waxaa la rumeysan yahay in Iiraan ay leedahay awood ay ku soo saarto kumannaan Drones ah, kuwaas oo ay sidoo kale u dhoofisay Ruushka. Xukuumadda Moscow ayaa u adeegsatay Drones-ka Iiraan iyo noocyo la mid ah oo ay ku farsameyso gudaha Ruushka si ay duqeymo ugu fuliso Ukraine. Ruushka ayaa sidoo kale Iiraan la wadaagaya xog sirdoon oo ay u adeegsan karto si ay u beegsato ciidamada milateriga.
“Dhibaatada weerarada isku-dhafan ee qalafsan ee cirka iyo gantaallada ayaa taagan, waana inaan la tacaalnaa dhammaan noocyada khataraha gantaallada cirka, oo aan ahayn kaliya kuwa ballistic-ga,” ayuu yiri Karako. “Waa inaad haysataa difaac aad ku difaacdo nidaamyadaada difaaca.”

