28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Farmaajo oo war ka soo saaray tallaabadii uu maanta qaaday madaxweyne Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku saxiixay Dastuurka cusub ee dalka.

Farmaajo, oo war-saxaafadeed soo saaray, ayaa go’aankan ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo halis weyn gelinaya jiritaanka dowladnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isagoo madaxweynaha xilka haya ku eedeeyay inuu dalka u horseedayo kala-qaybsanaan.

War-saxaafadeed ayaa lagu xusay in madaxweynaha “uu muddo-xileedkiisu dhammaanayo” uu saxiixay dastuur uu isagu gaar u samaystay. Madaxweynihii hore ayaa ku dooday in aysan jirin wax heshiis bulsho ama mid siyaasadeed ah oo sharciyad siinaya tillaabadan.

Mowqifka dowlad goboleedyada ee ku saabsan laalista dastuurka dalka, xildhibaannada labada aqal ee qaaddacay fadhiyada Dastuurka oo metalaya bulsho badan iyo Madaxdii iyo mas’uuliyiintii hore oo wadajir uga soo horjeeda hannaanka loo maray, waxa ay dhammaan arrimahani muujinayaan in aanu jirin heshiis bulsho iyo mid siyaasadeed oo sharciyad siinaya tallaabadan,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka waantoobo saxiixa sharci-darrada ah oo uu xusay inuu si cad uga hor imaanayo habraacyadii lagu heshiiyay ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah. Wuxuu xukuumadda ugu baaqay inay dib ugu soo laabato waddadii wadar-ogolka ahayd, muddada kooban ee u hartayna ay dalka ku gaarsiiso doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda, kuna qotonta shuruuc iyo nidaam la isku waafaqsan yahay.

Dhaliilahan culus ee kasoo yeeray hoggaamiyaha mucaaradka ayaa imanaya saacado un kadib markii Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uu munaasabad weyn oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya si rasmi ah ugu saxiixay nuqulka Dastuurka cusub, isagoo ku dhawaaqay inuu dhaqan-gal yahay maanta wixii ka dambeeya.

Madaxweynaha oo ay garab taagnaayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay in geeddi-socodkan dheer ee dib-u-eegista uu soo afjaray marxaladdii kumeel-gaarka ahayd ee dalku ku soo jiray mudada dheer.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dastuurkani uu saldhig adag u noqon doono xoojinta hay’adaha dowladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Xuddunta khilaafka siyaasadeed ee haatan dalka ka aloosan ayaa salka ku haysa qodobbo xasaasi ah oo ku jira dastuurka la ansixiyay, gaar ahaan qodobka dhigaya in muddo-xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka laga dhigo shan sano, halkii uu markii hore ka ahaa afar sano.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Madaxweyne Xasan Sheekh, oo haatan ku jiray bilihii gaba-gabada ee muddo-xileedkiisii sharciga ahaa, uu qaadan doono hal sano oo dheeraad ah. Xubnaha mucaaradka ayaa qodobkan u arka muddo-korarsi dadban oo la doonayo in lagu xalaaleysto sii joogidda awoodda dalka, taas oo sii kordhinaysa xiisadda siyaasadeed ee cakiran.

- Advertisement -

Read more

Local News